Kulan Dhexmaray Wasiirka Warfaafinta Somaliland iyo Telefishanadda Madaxa Banaan

0
944
Wasiirka biyaha Saleebaan Cali Koore

Hargaysa (HP): Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan uu shalay xafiiskiisa kula yeeshay guddoomiyeyaasha qaar ka mida telefishanadda madaxa banaan ee dalka ka hawl gala.

Waxaanu sheegay in uu jeedadda kulankaasi ay la xidhiidhay sidii ay wasaaradda warfaafinta iyo masuuliyiinta telefishanadda madax banaan uga wada shaqayn lahaayeen ilaalinta qaranimadda Somaliland.

Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), Waxa uu tilmaamay in masuuliyiinta telefishanadda madaxa banaan ay isla qaateen sidii muhiimadda koowaad loo siin lahaa ilaalinta nabadgeliyadda iyo qaranimadda Somaliland.

“Waxyaalaha naga dhexeeya ee aanu ka wada shaqaynayno ayaanu ka wada hadalnay. Waxyaalaha aanu anagu kala shaqaynayno wasaarad ahaan, ayaanu ka wada hadlanay. Waxa ay nagala shaqaynayaan qaran ahaan iyagu-na, ayaanu ka wada hadalnay.

In aanu wax wada doonano, oo aanu bahda saxaafadda wada nahay, ayaanu ka wada hadalnay, in aanu isu soo dhawaano ayaanu ka wada hadalnay.

In aanu wixii mad-madow ah ee yimaadda, aanu wada hadal ku xalino”ayuu yidhi wasiirka warfaafinta oo maanta la hadlay Sahan TV.

Isagoo ahdalka sii watayna waxa uu yidhi “In aanu wadan baynu joognaa, sharci iyo dastuur iyo kala danbayn lehe, in qof kastaaba uu ixtiraamo.

Waxyaalaha aanu ka wada hadalnay, ee aanu isla aqbalnay waxaa ka mid ahaa in ay nabadda siiyaan muhiimadda koowaad, telefishanadda madax banaani. In ay nabadda si gaara uga shaqeeyaan.

In ay maalmaha qaranka, oo ay ugu horayso xuska 26-ka June, xuska 18-ka May, iyo maalmaha ciidamadda qaranka in ay si buuxa u baahiyaan telefishanadda madaxa abanaani, iyagoon cidnaba ku wax shuruud ah ku xidhin. Wixii aan anigu ka wasiir ahaan, siyaasadda guud ee  dalka kala qaban karo, in aan kala qabto”.

Geesta kale wasiir Koore, oo wax laga waydiiyay arrinta weriyeyaal ku xidhan Somaliland iyo qaar kaloo u fakaday wadamadda deriska oo sheegay in ay amaankoodda u cabsadeen.

Waxaanu ku jawaabay, oo uu yidhi “Anigu marka aan ahay wasiirka warfaafinta Somaliland, waxa aan ka wakiil ahay dhamaanba warbaahinta reer Somaliland. Waxaa laga yaabaa in qofka weriyaha ahi, uu dadka reer Somaliland denbi ka geli karo, waayo? waa qof bani’aadam ah.

Anigu waxaan dadka reer Somaliland ee denbiga laga gelayo, ee dhibaneyaasha ah in aan anigu wakiil ka noqdo. Waana laga wada hadlayaa, sharci baanu dalku leeyahay.

Haddii ay iyagu (weriyeyaashu) sharciga ku gefaan, oo ummada reer Somaliland iyo madax banaanideedda ay ku gefeen, qofka iyo cida ay ka galeen denbiga, denbigii ayaa loo raacayaa”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Haddii si khaldan arrintaa lagu sifeeyayna, waxay noqonaysaa in aanu nidhaahno sifo haboon ama sharci ah laguma samaynine, goobteedda iyo meesheedda halala tago. Denbiyadda qaarna waa kuwo culus (Criminal) oo maxkad ayay u baahan yihiin, qaarna waa maamul.

Wixii maxkamadaha ku jira anigu ma farro gelin karo, sharcigu-na ima farayo. Wixii maamul ahna, in aan isku soo dhaweeyo labadda dhinac, diyaar baan u ahay”ayuu yidhi wasiirka warfaafintu.

Dhinaca kale wasiir Koore, ayaa ku amaanay beelihii Ceel-Afweyn gaar ahaana guddigii labadda beelood ka kala socday ee ka soo shaqeeyay heshiiskii nabadgeliyo ee ay kala saxeexdeen.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here