Kulan Dhexmaray Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaaga Somaliland iyo Hay’adda EUCAP

0
1663

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaaga Somaliland Liibaan Ismaaciil Cabdillaahi, ayaa maanta kulan la yeeshay La-taliyaha dib u habaynta sharciga ee Hay’adda EUCAP Mr Henari.

Kulankan, ayaa waxaa Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaaga, ayaa waxaa kulanka ku wehelinayay Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Komishanka Maamul Wanaaga Abdifatah Habane.

Waxaa sidoo kale La-taliyaha dib u habaynta sharciga ee Hay’adda EUCAP, kulanka ku wehelinayay Masuuliyiin ka tirsan Hay’adda.

Guddoomiyaha iyo La-taliyaha, ayaa waxaa ay ka wada xaajoodeen hayaankii wada shaqayneed ee muddo soo socoday sidii loo bilaabi lahaa iyadoo la iska kaashanayno dhinacyo badan.

Gabo-gabadii waxaa ay isla meel dhigeen in dhawaan sidii qorshuhu ahaa wada shaqayntu u bilaabanto labada dhinac, islamarkaana heshiis wada jir ah ay qalinka ku wada duugaan.

LEAVE A REPLY