Kulan Dhexmaray Guddiga Joogtada Wakiillada iyo Guddoomiyaha Haayadda Shaqaalaha

0
522

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddiga joogtada ah ee Galaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta kulan la qaatay masuuliyiinta haayadda shaqaalaha dawlada.

Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta golaha Wakiiladda ee Hargaysa, ayaa u jeedadiisa lagu sheegay in ay ahayd xog waraysi ay guddigu ka doonayeen masuuliyiinta.

Guddoomiyaha guddida joogtada ee Golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Nuur Cismaan Guuleed, oo ugu horeyn ka warbixiyey ujeedadii kulankoodaas ayaa ka waramay in masuuliyiinta hay-adda shaqaalaha dawladda Somaliland, ka xogwareysteen hawlaha kala duwn ee ay qaranka u hayaan.

Guddoomiyuhu ayaa xusay in wadda shaqeyn leeyihiin masuuliyiinta hay-addaasi shaqalaha dawladda iyo Golaha Wakiilada Somaliland.

Dhankiisa Guddoomiyaha haayadda shaqaalaha dawladda Khaalid Jaamac Qodax, oo isna goobtaasi hadal ka jeediyey ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedadii kulankoodaasi daaranaa.

Waxaanu Guddoomiye Qodax, ka warbixiyey in haayadda shaqaalaha dawladda Somaliland tahay mid dastuuri ah kana mid ah hay-addaha kala duwan ee dawlada.

Guddoomiyaha haayadda Shaqaalaha ayaa guddida joogtada ee gollaha wakiilada uga warbixiyey waxyaabihii u soo qabsoomay ka hay-adda shaqaalaha dawlada iyo waxyaabaha u qorsheysan saadkan.

Halka sidoo kalena guddoomiyuhu sharaxaad uu ka bixiyey in xeer nidaamiyaha shaqaalaha dowladdu ku shaqeyso in ha-addaasi shaqaalaha dowladdu ku howlan tahay tayeynta shalaaha kala duwan ee dowladda.

Sida Dalacsiintooda, inay xirfadooda aqooneed kor u qaadis ku sameynayaan iyo in xuquuqdooda ay ilaaliyaan.

Gabogabadiina Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dowladu waxa uu mudanayaasha guddida joogtada Golaha wakiilada Somaliland ku bogaadiyey wado shaqeynta ka dhaxeysa.

LEAVE A REPLY