Ku Simaha Madaxweynaha Somaliland Oo Tacsi U Diray Wasiirkii Hore Ee Qorshaynta Oo Xaaskiisii Geeriyootay

0
986

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Madaxweyne ku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland ahna ku simaha madaxweynaha C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), waxa uu dhambaal tacsi ah u diray Marxuumad Hibaaq Cabdiqaadir Koosaar, oo maanta ku geeriyootay shil baabuur oo ka dhacay Hargaysa.

Waxaanu madaxweyne ku-xigeenku si gaara tacsida ugu dirayaa wasiirkii hore ee qorshaynta  Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe), marna ahaa safiirka Somaliland u fadhiya Itoobiya, oo ay marxuumadu xaaskiisa ahayd.

Sidaasina waxaa lagu sheegay dhambaal tacsi  ah oo uu madaxweyne ku-xigeenka Somaliland galabta soo saaray. Taasoo u dhignayd sidan:

Tacsi Madaxweyne Ku Xigeen : 13/03/2019

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaa Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland.

Waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ubadka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Hibaaq Cabdiqaadir Koosaar oo ku geeriyootay maanta oo ay taariikhdu ahayd 13/03/2019, shil gaadhi oo ka dhacay gudaha Caasimada Hargeysa.

Ku simaha Madaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi , wasiirkii hore ee qorshaynta qaranka marna ahaa safiirkii hore ee itoobiya u fadhiyi jiray Somaliland, siyaasi Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe) oo marxuumadu ay xaaskiisa ahayd.

 

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumadaasi ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Ubadka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

Aamiin Aamiin Aamiin

Xafiiska Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY