Ku qosle Kabtan Kufay iyo Kudlada Qasriga Sland!

0
1272

Waxaynu wada xasuusanahay habdhaqankii iyo ficiladii nidaamkii faashilka ahaa ee Siyaad Bare ku dhaqmi jirey intaan dalka laga xoreyn. Bal aynu dib u wada milicsano mid ka mid ahaa saraakiishii taliskii afweyne iyo sida uu ula dhaqmi jirey rayidka sabankii sideetamaadkii. Ninkaa waxa la odhan jirey “ Kabtan xidhe” isaga iyo saraakiishii taliskii afweyne waxay si badheedha shacabka ugu guri jireen jeelasha iyo xaruntii hangashta . waxay halhays u lahaayeen “ ku qosle kabtan kufay waa xadhig” taas oo tilmaamaysay sida dulmiga iyo dibin-daabyada ahaa ee shacabka lagu hayey waana tii keentay in lagalo dagaal nafhuris ah iyo jihad dalka lagaga xoreynayo aakhirkiina sababtay inaynu ka guuleysano oo aynu xoriyadeeni dib ula soo noqono.

 

Hadaba, manta waxaa dhacdooyinkaa dib ii xasuusiyey falalka foosha xun ee kudlada qasriga Somaliland ka talisaa ay ku ugaadhsanayaan muwaadiin aan waxba galabsan oo ay xadhig aan kala go’lahayn ay ku hayaan. Waxaynu la soconaa in manta ay jeelasha ku jiraan boqolaal muwaadin oo aan waxba galabsan kii u dambeeyeyna uu yahay Gudoomiyihii Wargeysa Foore Muwaadin Cabdirashiid Sh Cabdiwahaab oo illaa hadda ku xidhan CID da hargeysa isaga oo aan waxba galabsan cid soo xidhayna la laayahay marka laga reebo qoyska madaxtooyada oo u dhaqmay sidaa KABTAN XIDHE kana dhiidhiyey warkii qaybtii yarayd ee ay yidhaahdeen qaranka ayay kusoo hagaagtay ee ay sii qaybsadeen. Balse miyeyna ogayn inay ku maqan tahay boqolaal milyan oo doolar oo ay ka dhaceen qaranka mudada ay dalka u talinayeen. “ ku qosle kabtan kufay hala xidho”  waxbuu naga qoray e hala xidho. Taa waxaa kasii daran isaga oo gudoomiyaha maxkamda gobolka hargeysa kusii daayey damiin oo haddana kudladda qasrigu ka diideen.

 

Haddii aynu dulmigii afweyne iyo saraakiishiisii kabtan xidhe ka midka ahaa aynu ka dhiidhinay oo aynu heeryadii ina saarnayd iska dulqaadnay maantana tii mid lamid ah ayaa shacabkii iyo muwaadiniintii lasoo daristay. Maxaa markaa inala gudboon? illeen waa tii teediiye!

 

Waxay illa tahay in intaa wixii ka badan loo sii dulqaadan Karin ee aynu ficil la nimaadno oo uu inagalo dhiigii wakhtigaa hore inagu jiray. Waxaan ugu baaqayaa in fadhiga laga kaco dhamaanteen.

 

 

Wabillahi tawfiiq

Cabdirasaaq Askar

Hargeysa, Somaliland

LEAVE A REPLY