Kordhinta Rate-Ka & Tacriifada Containers Ka Kasoo Dekeda Berbera Qaalinkii: Abdikalik Abdilahi

0
1886

Shirkada DPWorld Ee Gacanta Ku haysa Dekeda Berbera Ayaa Dhaqangelisay Amar Ay Hore Usoo Saartay Kuna Saabsanaa Kordhinta Lacagta Laga Qaado Containers Kasoo Dega Dekeda Berbera Iyagoo Si Farsamaysan Uwaafajiyay Xaga Rate-ka Sarifka Lacagta Dollarka Ah Waxaanay Sheegeen Tusaale Ahaan Halkii Rate-ku Ka Ahaa Markii Hore 7,000/=SL Shilling Halkii Dollar Inuu Hada Noqonaayo 8,500/=SL shilling Faraqa Xaga Rate-ka Ayaa Noqonaaya 21.43% Hadana Korodhka Lagu Sameeyay Tacriifada Containers ka Ayaan Waafaqsanayn Korodhkaas Xaga Rate-ka Oo Qudha Sida Ka Muuqata Qoraalka Dpworld

Su,aasha Meesha Taal Ayaa Ah Ma Rate-ka Ayuunbaa Isbedelay Mise Wax Kalaa Iyana Isbedelay?

Hadaba Bal Aan Inyar Eegno Sida Isnedelku Udhacaayo Ay Sheegtay Dpworld Waa Sidan Hoos Ku Faahfaahsan

  1. Container ka 20-Feet ka Ah Waxaa Hore Looga Qaadi Jiray 2,618,000/=SL Waa Markuu Rate-ku Ahaa 7,000/=SL Hadana Waxaa Laga Qaadayaa 3,900,000/=SL Faraqa Udhexeeya Ayaa Ah 1,282,000/=SL Waxaanu Noqonayaa Faraqa Udhexeeyaa 1,282,000/=SL Una Dhiganta 48.97% Ama 49% ba

 

  1. Containers ka 40-Feet-ka Ah Ayaa Iyana Laga Qaadi Jiray 4,086,000/=SL Waa Rate ka Ah 7,000/=SL Balse Waxaa Laga Qaadayaa 5,600,000/=SL Faraqa Ayaa Ah 1,514,000/=SL Una Dhiganta 37% Waa Inta Korodhay

Hadaba Sidaas Marka Ay Tahay Bal Ufiirso Oo Fahan Meesha Wax Ka Khaldanyihiin Miyaanay Ahayn Korodhka Kordhay Inuu Ahaado Uun Kaas Xaga Rate ka Hadii Sixirka Dollar ka Ee Isbedelay Uu Sababay 21.43% Maxay Tahay Sababta Loo Kordhiyay 50% ka Ma Shirkada Dpworld Ayaa Iska Kordhisay Sabab La,aan Mise Waa Mid Lala Ogyahay? Sidoo Kale Lacagta Lakordhiyay Containers ka Ayaa Celcelis Ahaan Noqonaysa (Average) 34% Waxaana Halkaas Kasoo Baxaaya Dakhli Buuran Majiraa Qorshe Dowladu Kaleedahay Ama Meel Lagu Jahaynayaa Iyana Waa Mid Su,aasheeda Leh?

Si Kastaba Ha Ahaatee Waxaa Mihiim Ah In Dusha Aan Kawada Ilaashano Waxa Inaga Dhexeeya Ee Danta Guud Ah Sidoo Kale In Dowlada Bulshadu Laxisaabtanto Waxna Waydiiso Waa Mihiim Waana Waxyaabaha Lagu Aaminaayo Dowlada Waxaanan Jeclahay In Masuuliyiinta Arintani Khusayso Ay Clear Gareeyaan Sida Wax Ujiraan Anana Shacnigii Hadaanu Nahay Waa Inaanu Ku Qanacnaa Wixii Amar Dowlo Ah Balse Hadii Dowladu Wuxuun Kordhiso Iyadoo Aan Umarin Xagii Shuruucda Bulshadana Aan Qancin Waxaa Iman Karta In Lakala Aamin Baxo

Ugu Dambayn Waxaan Dhawaan Idinla Wadaagi Doonaa Xog Dhab Ah Kuna Saabsan Containers ka Kasoo Degay Dekeda Sanadihii Ugu Dambeeyay Iyo Saamaynta Isbedelkani Kuyeelan Doono Dhanka Dakhli Ahaan Iyadoo Dhab Ah (Accurate) Iyadoo Aan Idiin Soo Raacin Doono Meesha Data-da Aan Kahelay Hadii Alle Idmo

 

——-Wabilaahi Towfiiq———-

Bye Abdikalik Abdilahi Mohamed

LEAVE A REPLY