Kooxda Tottenham oo uu soo gudubtay kama dambeysta Tartanka Champions League ,markii guul darro niyad-jab ah Ku riday Ajax + SAWIRRO

0
1629
xiddiga reer Brazil ee Lucas Moura

HargeisaPress —Lucas Moura, wuxuu caawa noqday halyeeyga Spur, markii uu saddexley ka dhaliyay kulanka goor dhow ku soo dhammaaday Ajax 2 – 3 Tottenham Hotspur. Kulankaana wuxuu ahaa mid kale oo natiijo lama filaan ah ay ka soo baxday, kaddib soo laabashadda ay sameysay kooxda reer London.

Tottenham, ayaa iska xaadirisay kulanka kama dambeysta ee ka dhacaya Madrid, waxaana ay caawa soo gabagabeysay talaabo-qaadkii cajiibka ahaa ee kooxda u badan da’yarta ee Ajax oo ka hor kulankan isku muujinayay inay awooddaan gaarista kulanka kama dambeysta.

Ajax ayaa illaa daqiiqadii 55 aad hoggaanka ciyaarta 3-0 si raaxo leh ugu haysay ee wadarta labada kulan laakiin qaybtii labaad ee ciyaarta ayay Tottenham la soo baxday wacdarro ay taariikh ku abuurtay,kaddib markii daqiiqadihii 55aad, 59aad iyo 90aad uu ku dhaliyay saddexda gool xiddiga reer Brazil ee Lucas Moura. Ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-2 ay Tottenham ku soo qalbi jabisay kooxdda Ajax.

Liverpool iyo Tottenham Hotspur ayaa la daawan doonaa kulanka kama dambeysta, tanina waa mid xiiso u yeelaysa kubadda cagta Ingiriiska. Waa markii u horreysay tan iyo kulankii Man United iyo Chelsea la daawanayo labo koox oo Ingiriis ah oo kama dambeysta tartanka Champions League isugu soo haray.

SAWIRRO

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here