Koox Ku ciyaaraysa Magaca Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta oo Ka Qaybgeli doona Tartanka Kooxaha Heerka 2aad ee Caasimadda Hargaysa

0
525
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Mukhtaar Maxamed Cali PHOTO FILE

Hargaysa (HargeisaPress)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Mukhtaar Maxamed Cali ayaa Kulan la qaatay Koox ku Ciyaarta Magaca wasaaradda Warfaafinta kuwaas oo ka qayb gali doona Tartanka Kooxaha heerka labaad ee Caasimadda hargaysa.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Mukhtaar Maxamed Cali oo halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday doorka balaadhan ee wasaaradda warfaafintu ka qaadan doonto kobcinta iyo dhiirigelinta kooxda ku ciyaaraysa magaca wasaaradda warfaafinta waxa uu agaasimaha guud ku booriyey Kooxdan inay la yimaadaan dadaal iyo karti ay ku hannan karaan Koobka tartanka Kooxaha heerka labaad ee caasimadda hargaysa.

Agaasimaha Guud waxa uu sheegay in Kooxdani markii hore ay ku ciyaari jirtay Magaca Telefishanka qaranka hasa yeeshee ay hada ka dhigeen Magaca wasaaradda Warfaafinta.

LEAVE A REPLY