Koomiishanka Doorashooyinka oo Kala Diray Shaqaalihii Ka Hawlgeli Lahaa Wejigii Labaad Ee Diwaangelinta Codbixiyeyaasha

0
1121

Borama (Hargeisa Press) – Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa maanta kala diray shaqaalihii ka shaqayn lahaa wejigii labaad ee lagu xoojinaayo diwaangelinta codbixiyeyaasha gobolka Awdal.

Shaqaalahan ayaa muddo saddex cisho ah ka hawlgeli doona xuduudaha gobolka Awdal iyo degmooyinka gobolka, waxaana goobta shaqaalahan lagu kala diraayey ka hadlay Cabdifataax Ibraahim Xasan oo kamid ah koomiishanka doorashooyinka Somaliland ayaa sharaxaad ka bixiyey wejiga labaad ee diwaangelinta codbixiyeyaasha iyo sida loo shaqayn doono.

Koomishaneer Cabdifataax waxa uu sheegay in goobahan saddexda cisho shaqayn doona ay ka hawl geli doonaan goobaha xuduudaha ah, gaar ahaana goobaha Garba Haadley, Goraya Cawl, Aasha Caddo, Cuna qabad, Xariirad iyo Lawyacado, waxa uu sidoo kale sheegay Cabdifataax in ay maanta ka bilaabantay gobolka Awdal wejigii labaad ee is diwaangelinta dadkii aan hore isu diwaangelin, dadkaas oo ah dadkii qaan gaadhay, dadkii aan hore isu diwaan gelin iyo dadkii uu kaadhku ka gubtay.

Waxa uu tilmaamay Komishaneer Cabdifataax in goobahaasi ay ka hawlgeli doonaan goobaha Gudaha magaaladda Borame, Ardaale, Hannuuninta, Sheekh Cali Jawhar, Dugsiga Qoorgaab iyo Taraafikada, waxa uu sidoo kale sheegay in ay jiri doonaan goobo wareegaaya oo meelo gaar ah ku hakan doona.

LEAVE A REPLY