Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Safar Ugu Baxay Kenya

0
677

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xubno ka mida guddida doorashooyinka Somaliland, ayaa maanta safar ugu baxay dalka Kenya, iyaga oo qayb ka noqon doona goob-joogayaasha indha indhayna doorashada dalkaasi ka qabsoomaysa 9-ka August.

Sidoo kale waxa ay rabbaan in ay khibrad iyo aqoon dheerada ka helaan doorashada dalkaasi ka dhacaysa.

Koomishaner Xuseen Badhaani, oo qoraalkan ku baahiyay bartiisa xidhiidhka bulshada ee Facebook ayaa lagu yidhi sidan, “Maanta waxaanu safar shaqo ugu baxaynaa dalka Kenya, halkaas oo aanu kaga qaybgalayno Doorashada ,guud ee Kenya 2022, annaga oo ka mid ah goobjoogayaasha Caalamiga ah ee indho-indhaynaya habsami-u-socodka lixda doorashada ee isku-sidkan ee dalkaasi Kenya ka dhici doona 9ka Ogosto 2022”.

“Waa fursad weyn oo aanu ugu faa’iidaysan doono innaanu ka helno aqoon, waayo-aragnimo dhanka doorashooyinka, isla markaana aanu kula kulmi doono weftiyo kala duwan iyo Goobjoogayaal Caalami ah, oo ka kala socda Midowga Yurub, Maraykanka, Ingiriiska, Midowga Afrika, IGAD iyo kuwa ka socda Hay’addo Madaxbanaan oo Caalami ah”.

Ugu danbayn, waxaa warkaasi lagu sheegay in ay komishanka doorashooyinka Somaliland ay soo saari doonaan warbixin hordhac ah, isla markaana ay la wadaagi doonaan Komiishanka Madaxabanaan ee Doorashooyinka Kenya.

“Ugu dambayn sida uu waajibinayo Hab-raacyada goob-joogeyaasha Caalamiga ee Kenya, waxaanu soo saari doonaa qoraal Warbixin hordhac ah, kaas oo aanu la wadaagi doona Komiishanka Madaxabanaan ee Doorashooyinka Kenya” ayaa lagu yidhi warkaasi ay soo saareen komishanka doorashooyinka Somaliland.

LEAVE A REPLY