Hargeysa, (HargeisaPress) —Komishanka Doorashooyinka ayey caqabadi ka haysataa safar u qorshaysnaa inay ku tagaan Dalka Kenya, halkaas oo ay kulan kula soo qaadan lahaayeen Qaadhaan-bixiyayaasha Doorashooyinka.
Lama garanayo sababta rasmiga ah ee ay Komishanka Doorashooyinku u tagi la’yihiin safarkaas, hase yeeshee warar is khilaafsan ayaa sheegaya inay dhinacooda ka xaniban yahay safarku, halka ay warar kale sheegayaan in dhinaca Qaadhaan-bixiyayaasha ay caqabadu kaga timi.
Xogaha ugu miisaan culus ayaa sheegaya sababta ugu weyn in ay tahay toddobada xubnood ee Komishanka oo doonaya inay is wada raacaan dhamaantood, kuwaas oo kala sita baasaabooro kala duwan, isla markaana qaarkood aanay haysan Fiise.
Arrintan ayaa hakad galisay tagitaankii xubnaha awoodi lahaa inay baxaan, waxaana dartood u xaniban dhamaan qorshayaashii Qaadhaan-bixiyayaashu kala hadli lahaayeen si xal looga gaadho caqabada u dhaxeeya Somaliland iyo Qaadhaan-bixiyayaasha, maadaama ay dib u dhacday doorashadii golaha Wakiiladda ee ay ku dhagsanaayeen.
Komishanka Doorashooyinka ayaan wali go’aankii Maxkamadda Dastuuriga ah aan u gudbin Golaha Guurtidda, waxaana la filayaa inay la sugayaan bisha ugu danbaysa ee Febarwari 2017-ka xilligaas oo ay bil kadib qoondaysnaayeen in la qabto laba Doorasho.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
Follow us on Instagram: @Hargeisapress
Follow us on Twitter: @HargeisaP