Komiishanka Qaranka Oo Shirar La Yeeshay Shaqaalaha Qaybin Doona Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashooyinka

0
1466
Afhayeenka Komiishanka Qaranka Siciid Cali Muuse

Hargeysa,(HargeisaPress) —Komiishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa u diyaar-garoobaya sidii ay u qaybin lahaayeen Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashada Madaxtooyada oo Qorshuhu yahay inay Dalka ka dhacdo Dabaqayaaqada 27 Bisha Saddexaad ee Sannadka soo socda ee 2017-k, haddii Alle yidhaahdo.

Xubnaha Komiishanka Qaranka, ayaa isku qaybiyey Gobollada Dalka, waxayna u kala baxeen Gobollada Galbeedka iyo bariga Dalka, si ay kulamo ula yeeshaan Shaqaalaha Komiishanka ee hadhow qaybin doona Kaadhadhka Cod-bixinta.

Xubno uu ka mid yahay Afhayeenka Komiishanka Qaranka Siciid Cali Muuse oo Shalay kulamo ula yeeshay Ceerigaabo, ayaa Saxaafadda uga warramay Ujeeddada socdaalkooda Gobolka Sanaag, waxaanu yidhi, “Waxaanu u soconay inaanu la shirno Shaqaalaha Komiishanka ee degmooyinka aanu soo marnay iyo Gobolkaba. Waxaanu kala shireynay sidii ay hawsha u sii wadi lahaayeen oo ay uga qayb-qaadan lahaayeen. Waad ogeydeen oo wakhtigii diwaangelinta waxa Dadweynaha la siiyey Waraaqo loogu talo-galay inay hadhow ku helaan Kaadhadhkii Cod-bixinta. Kaadhadhkii Cod-bixinta waalla daabacayaa oo Daabacaddoodu waxay ka socotaa Xarunta Komiishanka ee Hargeysa.”

Afhayeenku waxa kale oo uu sheegay, “Kaadhadhkii ayaa la qaybinayaa dhawaan, markaa Shaqaalaha waxaanu kala hadlaynay Qaybinta kaadhadhka, muhiimadda Shirarkuna waxay ahayd sidii Shaqaaluhu u tagi lahaayeen Goobaha Diwaangelintu hore uga dhacay si ay Xaaladda u soo eegaan.”

Kaadhadhka Cod-bixinta ayaa marka daabacaddoodu dhammaato waxa la geyn doonaa meel kasta oo laga sameeyay Diwaangelin, “Kaadhadhka Cod-bixinta waxa la geyn doonaa goob kasta oo laga sameeyay Diwaangelin.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here