Kobicii Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Ee Isdaba Joogay, Waxa Wiiqi Kara Jidkii Shalay. (Qeybtii-4-aad)

0
1114
Wasiiradii soo Maray Wasaarada Caafimadka Somaliland PHOTO FILE

“Qormo iftiiminaysa in Jidkii shalay, maanta ay ina tusinayso, Bari khasaaraha wiiqi kara kobocii isadaba joogay ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland”

Khilaafkaas oo ay gacanta ku hayeen guddi wasiiro ah oo u saaray Madaxweynuhu, ayaa cirka isku sii shareertay, waxaanay sababtay in wasiirka caafimaadku soo saaro wareegto uu shaqada kaga joojinayo agaasimaha guud ee wasaaradda (AHUN) Dr. Anwar Maxamed Cigge.

Qoraalkaas oo erayo qalafsan oo aad u liitay oo ka baxsanaa nidaamka dowladnimo, aflagaado, cambaareyn iyo eedaymo iskugu jiray ayaa qornaa, sidan “Maanta laga bilaabo wareegtadan waxaan kaa joojiyay shaqadii aad u haysay waaxda caafimaadka ee Wasaarada Caafimadka iyo Shaqada ka dib markaad ku kacday falal ku lidi ah hawsha qaranka ee laguu igmaday taasi oo in muddo ah soo jiitamaysay oo aan kaa waaniyay in aad isbedel ku samayso hab-dhaqankaaga maamul, balse aad ka waantoobi weyday, adiga oo ku tallaabsaday ficilo dhaawacaya qaranimada iyo xidhiidhka wasaaradu la leedahay hay’adaha caalamiga ah, sida qoraalo sharci-darro ah oo aad u qortay hay’adaha Qaramada Midoobay ee wasaarradda wada shaqayntu ka dhaxayso. taas oo aad ku wargalisay in ay hakiyaan wadda shaqayntii, taakuladii iyo taageeradii caafimaad ee ay la wadeen.

Arrinkaas oo ka baxasan milgaha iyo maamulka dawladnimo isla markaana hoos u dhac weyn ku keenay sumcadda wasaarada iyo karaamada Qaranimada Somaliland.

Sidaa awgeed waxaan kaa joojiyay masuuliyaddii aad ka haysay wasarada caafimaadka iyo shaqada. Waxa si ku meel gaadh ah u sii wadaya ilaa amar dambe agaasimaha waaxda qorshaynta oo sii haynaya xilka Agaasimaha Guud
Khilaafkaas waxa uu dhaliyey in Wasiirka loo badelo wasaaradda Beeraha, halka, Agaasimihii Guudna loo badelay Wasaaradda Dib-u dajinta, waxaana Wasaaradda loo soo magacaabay, Wasiirkii Wasaaradda Cadaalada Mudane Axmed Cali Casoowe, taariikhdu markay ahayd 23-kii bishii Diraaceed sannadkii 2010-kii illaa iyo 2-dii bishii karaneed ee sannadkii 2010-kii, Wasiirkii oo ahaa wasiirkii ugu muddada gaabnaa 18-kii Wasiir ee soo maray Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada, ayaa ahaa Wasiirkan loogu jeclaa, samo-falkiisa, daacadnimadiisa, naxariistiisa, raxmadiisa, waxaanu ahaa wasiir dhanka wanaagsan wax-ka eega, oo ahaa dhul lagu dul socdo oo qun yar socod ah.

Markii uu xilka la wareegayey waxa uu yidhi:” Anigu waxaan ahay askar loo tababaray sida qofka loo dilo, laakiinse, waxaan muddo dheer wasiir ka ahaa Wasaaradda Cadaalada oo la mid ah Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada, sababtoo ah, Rugta xabsiga waxay la mid tahay Rugta caafimaadka ee loo yaqaano Health Post, halka Saldhiguna ka yahay Xannaanooyinka hooyadda iyo dhalaanka, isla markaana, Jeelasha xabsiyaduna ay ka yihiin sida Cusbitaalada caafimaadka ee lagu dabiibo dadka jiran”
Waxaanu intaas ku daray “ Dadka xabsiyada lagu hayaa waxay u baahan yihiin adeegyada caafimaadka ee la siiyo dadka buka ee jiifa cusbitaalada”

Wasiirkan waxa uu fuliyey muddadii gaabneyd ee uu xilka hayey mashruucii ugu balaadhnaa ee loogu tallo-galay talaalka caruurta oo ka hir-galay dhamaan gobolada dalka Jamhuuriyadda Somaliland, inkastoo uu wasiirkaasi uu ku soo beegmay xilli kala guura ah oo dalka ay ka qabsoomaysay doorashadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Markii uu ku guuleystay doorashadii Madaweynenimo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu u soo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, oo hore loo odhan jiray Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada, Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Dr.Xoog), taariikhdu markay ahayd 2-dii bishii Karaneed sannadkii-2010-kii illaa iyo 20-kii bishii Dirir sagaalood sannadkii 2013-kii.

Dhameystirka dhismihii uu ku suntanaa Mudane, Cabdilaahi Xusseen IImaan (Dirawal), waxa nasiib u yeeshay in uu xadhiga ka jaro Dr. Xusseen Maxamed Maxamuud (Dr. Xuseen Xoog), wasiirkaas oo markii loo qorsheeyey xafiis ku yaalay dabaqa sare ee dhismahaasi muu jeclaysan, waxaanu yidhi:-“ Waxaan doonayaa in xafiiskaygu uu noqdo dabaqa ugu hooseeya, waxaana arrintaasi sabab u ahayd in uu hoos u soo dego wasiirkaasi, isagoo eegaayey dadka waayeelka ah ee aan soo fuuli karin jaran jarada dabaqa sare, dadka curyaamiinta ee laxaadka la’a ee aan soo fuuli karin jaran jarada dabaqa sare, waxay ka markhaati kacaysaa naxariista dhakhtarnimo iyo arragtidiisii suubaneyd ee ay ku dheehnayd xilkasnimo.

Qoysaska danyarta ee aan haysan kharashka adeeg qaliinka lagu qalayo Hooyooyinka shinkoodu buuxsamo ee ay fooshu ku raagto, ayaa inta loo raadinaayo lacagta adeega qaliinka oo ahayd $ 500 oo dollarka, kala kulmi jiray in ilmuhu ku dhex bakhtiyo ama ay sidaasi ku umul aroorto hooyadii xaamilada ahayd cusbitaalka guud ee Hargeysa, Wasiirkan waxa uu ahaa Wasiirkii ugu horeeyey ee bilaaba in adeeg qaliin oo lacag la’aan ah Hooyooyinka ay ku Dheeraato waqtiga Dhalmadu ka hirgaliyey Cusbitaalada gobolada dalka Jamhuuriyadda Somaliland. …………

la soco…..

Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here