Khasaare Ka Dhashay Dab Qabsaday Suuqa Ganacsiga Boosaaso

0
974

Boosaaso (HP): In ka badan konton meheradood oo ganacsi ayaa shuf-beelay Dab xalay saqdii dhexe ka kacay suuq ugu weyn ee magaaladda Boosaaso.
Dabkaasi ayaa la sheegay inuu dhaliyay khasaare balaadhan oo hantiyeed, kaasoo baabiiyay meherado ganacsi oo kala duwan.
Dabkaasi ayaa ka dhashay koronto qaraxday, taasoo sababtay inuu ku sii fiday qaybaha kale ee suuqa Boosaaso.
Sida ay sheegeen masuuliyiinta maamulka Puntland ee gobolka Barri.
Deminta dabkaasi waxaa ka qayb qaatay qaybaha kala duwan ee ciidamadda maamulka Puntland iyo dadka shacabka ah.
Hase yeeshee, maadaama oo wakhtigu uu habeen ahaa iyo gaadiidka dab-demiska oo aan jirin darteed ayaa keentay in meherado fara badan ay gubteen.


Geesta kale, ma jiro wax khasaare nafeed ah oo la soo weriyay oo uu dabkaasi sababay.
Marka laga reebo in ganacsato badan ay hantidoodii ku waayeen dabkaasi.
Laakiin, dabkaasi ayaa dhaliyay khasaare baaxad leh oo soo gaadhay ganacsatadda oo moodkoodii baabiiyay.

Hargeisa press.com/Hargeisa Office

LEAVE A REPLY