Khasaare Dhimasho Oo Ka Dhashay Mudaharaadyo Maalintii 2aad Ka Socda Baydhabo

0
1080

Baydhabo (Hargeisa Press.com): Saddex qof ayaa ku geeriyooday mudaharaadyo iyo rebshado maanta ka dhacay magaaladda  Baydhabo ee xarunta maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mudaharaadyadan oo galay maalintii labaad ayaa lagu soo waramayaa in xaaladda magaaladu ku jirto   jaho-wareer iyo qas ah. Waxaana maanta xidhnaa gebi ahaanba ganacsiga magaaladda Baydhabo iyo isu socodkaba.

Dadka Baydhabo ku dhintay waxaa ka mid ahaa xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Koonfur galeed iyo laba qof oo rayid ahaa, iyadoo ay jiraan tiro dad ah oo rebshadahaas ku dhaawacmay.

Rebshahadan maanta ka dhacay Baydhabo waxaa ku dhinta xildhibaan Cabdishakuur Yacquub, oo ka mid ahaa baarlamaanka Koonfur Galbeed, sidoo kale-na ahaa guddoomiyaha guddiga Amniga baarlamaanka.

Xildhibaanka waxaa la sheegay in uu toogtay askari ka tirsanaa ciidamadda booliska ee dawladda federaalka Soomaaliya, kuwaasoo dhawaan dawladda Soomaaliya gaysay magaaladda Muqdisho.

Reshadahan ayaa ka dhashay kadib markii shalay ciidamo Itoobiyaana ay xidheen Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa musharaxiinta u tartamaya doorashadda madaxtinimadda Koonfur Galbeed, loona qaaday magaaladda Muqdisho oo uu hadda ku xidhan yahay.

Dadweynaha magaaladda Baydhabo ee mudaharaadka dhigayay ayaa kala xidhay wadooyinka magaaladda oo ay Taayirro ku gubeen, isla markaana ku dhawaaqayay erayo ay ku dalbanayaan in xoriyadiisa loo soo celiyo Mukhtaar Roobow.

Waxaanay dadweynahaasi siteen sawirka Sheekh Mukhtaar Roobow, iyagoo si weyn sawirkiisa ugu xidhay suuqyadda magaaladda Baydhabo.

Geesta kale madax dhaqameedka Koonfur galbeed oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Baydhabo ayaa ku eedeeyay dawladda madaxweyne Farmaajo qalalaasaha iyo dhibaatadda ka taagan Baydhabo.

Waxaanay madaxweynaha dawladda federaalka ugu baaqeen in uu si dhakhso ah u sii daayo Mukhtaar Roobow, iyagoona soo jeediyay in dib loo dhigo wakhtiga la qabanayo doorashadda madaxtinimadda maamulka Koonfur galbeed oo markii hore ku mudaysnayd in ay dhacdo dabayaaqadda bishan aan ku jirno.

Dhinaca kale ku-simaha madaxweynaha xilka madaxweyne-nimo ee Koonfur Galbeed ahna guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi C/qaadir Shariif Sheeku-na Maye, oo arrinta ka hadlay ayaa  ku baaqay in la joojiyo dibadbaxyadda ka socda magaaladda Baydhabo.

Waxaanu nasiib darro ku tilmaamay  in dad tiro yar ay rebshado iyo amaan darro magaaladda Baydhabo ka sameeyaan, kuwaasoo uu sheegay in ay ka soo hor jeedaan horumarka socda.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here