Khasaaraha Weerar Lagu Qaaday Xabsiga Magaaladda Boosaaso

0
839

Boosaaso (HP): Khasaare kala duwan  oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay  weerar isugu jiray qaraxyo iyo dagaal toos ah ayaa xalay ka dhacay xabsiga dhexe ee magaaladda Boosaaso.

Weerarkaasi waxaa  masuuliyadiisa  sheegay in ay xabsiga ku qaadeen xarakadda Alshabaab. Kaasoo khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira uu ka dhashay.

Weerarkaasi ayaana ku bilawday qarax laga fuliyay albaabka hore ee xabsiga, iyadoo kadibna uu dagaal toos ah dhex maray ciidamadda ilaaladda xabsiga iyo kooxdii weerarka soo qaaday.

Hawl-galkii soo  af-jaridda weerarka xabsiga Boosaaso lagu qaaday ayaa qaatay saacado badan, iyadoo uu halkaasi weerar ku dhex maray ciidamadda ilaaladda xabsiga iyo kooxdii weerarka soo qaatay.

Waxaana la soo weriyay  in qaar ka mid ahaa maxaabiistii xabsiga ku jiray ay ka baxsadeen. Inkastoo xubno ka mid ahaa maxaabiistii baxsaday magaaladda laga soo dhex qabtay.

Sida uu sheegay  taliyaha ciidamadda booliska gobolka Barri, Xuseen Cali Maxamuud,  oo warbaahinta la hadlay.

“Way jiraan laba nin oo dhaawac ah oo ciidanka ka mid ah iyo nin dhintay. Inta kalena dib ayaan ka soo sheegaynaa marka aan baadhista dhamaystirno” ayuu yidhi taliyuhu.

Geesta kale, xarakadda Alshabaab oo weerarkan gaystay ayaa sheegay in ay xabsiga Boosaaso weerarkaasi kaga sii daayeen in ka badan 400, oo maxbuus.

Kuwaasoo ay ku jiraan xubno muhiim ah oo iyaga ka tirsan iyo sidoo kale dad shacab ah oo ay ku tilmaameen in si xaq darro ah ay halkaasi ugu xidhnaayeen.

Sheegashadda Alshabaab ka sekow, warar madax banaan ayaa sheegay in  tiradda maxaabiista xabsiga ka baxsaday ayaa  la sheegay in ay gaadhayaan 300, oo maxbuus.

Dhinaca kale, madaxweynaha Puntland Siciid C/laahi Deni, ayaa la sheegay inuu isla maanta gaadhay magaaladda Boosaaso, si uu indhihiisa ugu soo arko waxa ka dhacay xabisga Boosaaso.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here