Khasaaraha Weerar Kolanyo Baabuur Ah Oo Qaramada Midoobay Leedahay lagula Beegsaday Albaabka Madaarka Muqdisho + Daawo SAWIRRO

0
1242

Muqdisho (HargeisaPress) – Ugu yaraan 6 Qof ayaa ku dhintay dad kale oo badana wuu ku dhaawacmay Weerar Is miidaamin ah oo ka dhacay Al-baabka Madaarka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
dadka dhintay waxaa ka mid ah Sarkaal nabad sugida ka tirsan, halka dadka kale dawladdu ku sheegtay shacab.
weerarka waxaa lala beegsaday Kolanyo Baabuur ah oo Qaramada Midoobay leedahay sida uu sarkaal Ciidanka ka tirsan u sheegay Wakaaladda AFP.

blast-somalias-mogadishu-airport 5
Waxaa ka dhashay Dhimasho, dhaawac iyo Burbur soo gaadhay gaadiidka iyo dhismayaasha ku dhaw goobta Qaraxu ka dhacay.
Weerarka ayaa ka dhacay Marinka Madaarka meel u jirta ilaa 45 talaabo.Madaarka ayaa ah mid si weyn loo ilaaliyo, waxaanu Saldhig u yahay Diblamaasiyiin iyo Safaarado tiro badan oo wadamada dibadu leeyihiin. Sidoo kale waxa agagaarka Madaarku saldhig u yahay ilaa 22,000 Askarta AMISOM ah.

blast-somalias-mogadishu-airport
Weerarkan waxa sheegtay Ururka Al-shabaab, oo hore bishii January weerar kan oo kale ah kula beegsatay Kolanyo Qaramada midoobay leedahay oo dad tiro badan ku dhintay.

 

HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
info@hargeisaPress.com

LEAVE A REPLY