Khadiijo Maxamed Diiriye: Farmaajo Waa Madaxweynaha Kaliya Ee Ay Caddahay In Uu Markale Dib U Soo Noqonayo

0
1511
Khadiijo Maxamed Diiriye

Muqdisho (Hargeisa Press) – Wasiirka Wasaarradda Gargaarka ee Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye si cad u sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo yahay madaxweynaha kaliya ee isaga oo aan muddo xileedkiisa dhameysan ay caddahay in mar kale dib loo dooranayo.

Khadiijo Diiriye oo dhinaca kalana ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa hadalka ka sheegtay wareysi uu la yeeshay TV Somalia Cable, waxaana ay ku amaantay madaxweyne Farmaajo in muddadii 4 sano aheyd uu wax badan qabtay.

Waxyaabaha ay ku amaantay madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah in uu wax ka qabtay arrimaha bulshada, dhaqalaha, ciidanka iyo cadaallada, iyada oo sheegtay in dib u dhis ballaadhan oo dhinaca jidadka ah la sameeyay muddadii uu xilka hayay.

Mar laga soo tago hadalka Wasiirka Gargaarka Soomaaliya dhinaca kale waxaa jira eedeymo culus loo jeedinayo dowladda uu madaxweynaha ka yahay Farmaajo oo la leeyahay waxaa ay ku fashilantay howlihii loo igmaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here