Khasaare Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Muqdisho

0
992

Muqdisho (Hargeisa Press) – Qof isku soo xidhay wax-yaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay maqaaxida Luul Yemeni oo ku taalla degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ku dhow dekadda weyn ee magaalada muqdisho, waxaana ka cunteeya dad badan oo ka shaqeeya meelo kala duwan.

Wararka laga helayo maqaaxida Luul Yemeni ee uu qaraxu ka dhacay ayaa waxay sheegayaan inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, balse aan si rasmi ah hadda loo hubin inta uu la’egyahay.

Maqaaxida uu qaraxa ka dhacay ayaa waxay tahay mid mashquul badan xilliyada qadada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here