Kenya Oo Cadaysay Mawqifkeedda Ku Aadan Xidhiidh Dhex Mara Somaliland

0
983

“Mawqifka Kenya ee  ku aadan Somaliland ma waxay ka dhigan tahay in aanaan la macaamilin dadka? Waan la macaamilaynaa”… wasiirka arrimaha dibadda Kenya

London (Hargeisa Press.com): Dawladda Kenya ayaa sheecisay in aanu jirin sharci u diidaya in ay dal ahaan ula macaamisho jamhuuriyadda Somaliland, si waafaqsan xeerarka ururka midawga Afrika.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma, oo waraysi uu la yeeshay telefishanka BBC, mar wax laga waydiiyay mawqifka dawladda Kenya ee ku aadan Somaliland in ay la macaamishay Somaliland.

Waxay sheegtay in la macaamilkaasi uu waafaqsan yahay shuruucda ururka midawga Afrika, isla markaana ay jiraan dalal badan oo ay danno ka leeyihiin, kuwaasoo qaar kood aanay weli beesha caalamku aqoonsan.

 

“Mawqifka Kenya ee  ku aadan Somaliland waxa uu la mid yahay ka midawga Afrika. Waanan ixtiraamsan nahay xuduudaha Afrika, sida ku xusan go’aankii midawga Afrika ee 1964-kii”ayay tidhi wasiirka arrimaha dibadda Kenya.

Iyadoo hadalka sii wadatayna waxay tidhi “Danno ayaan ka leenahay dalal badan, ka hor inta aanay dawlado la aqoonsan yahay noqon.

Suudaanta Koonfureed wakiillo ayaa Kenya u joogay, ka hor intii aanay dawladnimadda qaadan. Dal caynkaas ah ayaan nahay.

Dalal badan ayaan wakiillo ku leenahay. Taasi ma waxay ka dhigan tahay in aanaan la macaamilin dadka? Waan la macaamilaynaa”.

Dhinaca kale wasiirka khaarejiga Kenya ayaa Soomaaliya ku eedaysay in ay ku deg degtay ugudbinta kiiska muranka dhinaca Badda ee labadda dal u dhexeeya. Iyadoo aanay Soomaaliya eegin dariiqooyinka kale ee kiiskaasi xal loogu raadin lahaa.

Waxaanay tilmaantay in Soomaaliya iyadoo aan cid kale-ba arrinta kala hadal in ay toos u tagtay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ, taasoo ay ku tilmaantay in ay tahay halkii ugu danbaysay, isla markaana aanay tallaabadaasi xal waara u keenaynin mushkiladda.

Waxaanay tidhi “Haddii aad la socotay kiiskan, waxaanu soo jeedinay in aanay xaq u lahayn maxkamadda ICJ in aanay dhegaysan kiiskani. Waayo? Xeerka ICJ waxa uu dhigayaa waa in labadda dhinac-ba ay kiiskoodda soo gudbiyaan.

Waxaanu aaminsan nahay ICJ in aanay sharciyad u lahayn kiiskan in ay xukunto. Waayo? Weli muu marin jidadkii kale ee u furnaa, si loo xaliyo khilaafkan.

Soomaaliya, iyadoo aan cid kale-ba la hadal ayay markiiba maxkamad tagtay, oo ah halkii ugu danbaysay.  Ma aaminsani in tani ay u keenayso xal waara, mushkiladani”.

Wasiir Monica, waxa kaloo ay ka jawaabtay doodda la xidhiidha in Soomaaliya ay kiiska dhinaca Badda ee u dhexeeya Kenya ay kaga gacan sarayso, balse Kenya ay haysato kiis dhan walba ka adag.

 

“Waxaa jirta sheeko la isugu sheekeeyay oo ah in Soomaaliya ay kiis adag leedahay. Anagu (Kenya) taa ma qabno, kiis dhan walba ka adag ayaanu haysanaa.

Ma rabo se in aan ka hor dhaco waxay maxkamadu  odhan doonto”ayay tidhi wasiirka arrimaha dibadda Kenya.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here