Kalfadhigii 72-aad ee Golaha Guurtidda Somaliland Furmay iyo Warbixinta Shirgudoonka

0
775

Hargaysa,(HargeisaPress)—Kalfadhigii laba iyo todobaatanaad ee golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta ka furmay xarunta golahaasi ee magaalada Hargeysa, iyaga oo ka soo laabtay fasaxoodii dastuuriga ahaa ee ay ku jireen.

Fadhigan oo uu shir guddoominayey guddoomiyaha golahaasi Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ugu horayn waxa uu si rasmi ah u furay kalfadhigooda 72-aad, isaga oo guddoomiye Saleebaan Maxamuud mudanayaasha golaha guurtida Somaliland warbixin ka siiyey xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan deegaannada Ceel-afweyn, Fadhi-gaab, Beeyo Macaan, Ceegaag iyo Hor-ufadhi oo uu tilmaamay in ay xaaladdoodu wanaagsan tahay isla markaana ay meel wanaagsan marayso soo afjaridda shaqaaqooyinkii deegaannadaasi ka dhacay, isaga oo guddoomiyuhu intaas ku daray in ay waajib tahay in golaha guurtidu gaadhaan deegannadaasi si ay uga qaataan doorkooda.

Geesta kale, guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa uu mudanayaasha golaha guurtida warbixin ka siiyey shirkii wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee lagu qabtay dalka Jabuuti, wuxuuna sheegay inuu ahaa shirkii ugu muhiimsanaa ee Somaliland tagto ee la xidhiidhay arrimaha masiiriga ah, isaga oo tilmaamay in Somaliland ay guuli uga soo hoyatay, wuxuuna intaas raaciyey in beeshii caalamka ee dhagaha inaga furaysatay inay garwaaqsadeen in ay Somaliland dhagaha u furaan oo ay dhageystaan qadiyadda ictiraaf raadinta Somaliland.

LEAVE A REPLY