KA ADKOOW SHEYDAANKA Qalinkii: Mohámed Dhimbiil

0
6197
Khadija Benguenna is an Algerian journalist working in the Al Jazeera chanel in Qatar.

ACUUDU BILLAAHI MINA SHEYDAANI RAJIIM.

Bismillahi Raxmani Raxiim

KHADIJA Waxa ay aheyd wariye caan ah oo ka warama television ka Aljazeera Arabic mudooyinkii uu soo caan baxay, Waxa ay aheyd gabadh ilaahey Swt siiyey qurux iyo codkarnimo warbaahineed.

Maalin maalmaha ka mid ah oo ay ku guda jirtey Shaqada TV ga weyn ee caanka ah ee Aljazeera Arabic oo aheyd sanadkii 2003 ayuun baa Waxa ay qaadatay xijaab timaheegii qaawanaa Astura oo ay warkii ku soo daysay iyada oo xidhan.

Arinkaasi waxa uu noqday mid aad la isaga waydiiyey aduunyada, laakiin #KHADIIJA markii la weydiiyey ayaa Waxa ay ku jawaabtey ( maanta waxa aan ka adkaadey shaydaankii ), waxa wax laga weydiiyey wakgtigaa in ay culays kala kulantay shaqadii ay haysay maadaama oo ay HIJAB qaadatey, waxaana ay kaga jawaabtey in aaney wax culeys ah iyo wax Dhib ah kala kulmin shaqadeeda iyada oo asturan oo faraxsana ay gudato waajibaadkeedii wariyenimo.

Mohámed Dhimbiil

LEAVE A REPLY