Jiho-wareer Ku Yimid Bisaaskii Ka Cunteyn Jiray Hudheelkan

0
768

Lamaan yaabin qoraalkii farta waaweyn ku xardhanaa ee tilmaamayey in uu u guuray ka soo hor-jeedka bacado  hudheelkii aanu ka cunteyn jiray ee ku yaalay agagaarka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, laakiinse, waxa dareen gaar ah igaliyey  jihowareerkii ku yimid bisaaskii  ka cunteyn jiray hudheelkaasi.

Hudheelkan oo magaciisa la yidhaado “Al-Xamdu Lilaah”  ayaa ahaa hudheel saxadiisu wanaagsan tahay oo uu joogey cunto kariye wanaagsan oo soo saari jiray  cuntooyin dhadhan iyo damcad wanaagsan lahaa.

Kadib markii ay ku soo xidhmeen dad aad u tiro badan oo soo raacay urta dhadhanka cuntada uu kariyo hudheelkaasi, ayaa waxa ay sababtay in lix goobood oo uu kiro ugu jiray laga raro, si ay uga furtaan hudheelo cunto mulkiilayaashii lahaa goobahaasi, nasiib darro’se dhamaan hudheeladaasi waxa ay noqdeen kuwo kacay oo ay albaabadu u xidhmeen, halka hudheelkii la xaasidayeyna uu ka sii fiicnaadey sidiisii hore.

Akhriste, haddii qof ay wax wanaagsan u kordhaan aad ka xumaato ama haddii ay dhibi ku dhacdo aad ku faraxdo, waa xaasidnimo, waana xannuunada la kala qaado ee ku dhaca Maanka (qalbiyada) aadamaha, Alle (SW) waxa uu ku tilmaamay dadka calaamadaas isku arkaa in ay yihiin munaafiqiin.

Waxa wanaagsan haddii walaalkaa ay wax wanaagsani u kordhaan in aad ka faraxdo,  haddii ay dhibi ku timaadana in aad ka murugooto,  si aad ugaga badbaado calaamadaha lagu garto munaafiqiinta.

Waxa Qoray: Maxamed Faarax Qoti

Hargaysa Somaliland.

 

LEAVE A REPLY