Jidka Bali-gubadle iyo Dhagax-buur oo Dhismihiisu Meel Fiican Marayo

0
587

Harshin (HP): Shacabka degmada Xarshin ee gobolka Faafan iyo ka degmada Dhagax-buur ee gobolka Jarar, ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa iska kaashaday dhismaha waddo dhererkeedu dhan yahay 85 KM.

Waddadan oo ka soo bilaabanta degmada Bali-gubadle ee xudduuda Somaliland ayaa  sii dhexmari doonta tuulooyin iyo dhul Hawd ah.

 Waxaanay wadadani Laamida kaga dari doonta tuulada Higlaleey ee gobolka Dhagax-buur, waxaa dhismaheeda iska kaashaday shacabka labada gobol iyo qurba joogta ka soo jeeda.

Waxaa shacabkani soo kireysteen Cagafyada dhirta jara iyo kuwa wadooyinka xaadha labadaba. Iyadoo ay ka muuqato in ay  aad ugu han weyn yihiin inay wadadan ku dhammeystiraan ka qayb galka dadweynaha ee labadaasi gobol.

 Xafiiska jidadka deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa bulshadaasi ku taageeray dhanka farsamada iyo cabirka labadaba.

Waxaa dhismaha waddadani kormeer ku tagey wasiirka jidadka ee DDS Rooble Cawaale Bucul, wuxuuna sheegay in qayb mihiima ay ka qaadan doonto dhanka koboca dhaqaalaha.

  “Waddadan ay samaysteen bulshadda degmadda Xarshin gaar ahaan Bali-gubadle iyo dhammaan bulshada ku nool deegaanka Laanqayrta. Waxaanay waddadani isku xidhaysa Bali-gubadle ilaa Higlaleey, taasoo dhererkeedu  dhan yahay 85 km.

 Waxaanay sameeyeen 43-km oo ku joogta Bali-gubadle ilaa Cafuflay, waxaana dhiman 42 KM.

 Waxaananu xafiis ahaan ka caawinaynay dhanka farsamada iyo cabirka. Bulshaduna way is abaabushay, dhammaan kharashka ku baxayana bulshada ayaa iska bixisay oo wadadani furatay”.

Rooble Cawaale Bucul, ayaa sharaxaya u jeedadda laga leeyahay dhismaha jidkani iyo faa’iidadda ku jirta.

 “Ujeedaduna waxay ahayd in la isku xidho Bali-gubadle oo ah xuduuda aynu la leenahay Somaliland iyo ilaa Dhagax-buur, oo meesha Higlaleey la yidhaaho laamida kaga dhacaysa.

 Taasoo bulshadu uga dan lahayd isku xidhka labada bulsho, inta bada-na wadadani waxaa mara bagaashka raashinka guud ahaan gobolada kale ee ilaa Godey, Dhagax-buur, Jarar ilaa Shabbeele iyo Qabri-dahar, waxaa taga oo dhammi halkani ayay soo maraan, marka dhaqaalahaasina waa isku xidhi doonta”ayuu yidhi wasiirka jidadka ee DDS Rooble Cawaale Bucul.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Marka anagu ka dawlad ahaan waanu araggnay dedaalka badan ee ay bulshadu samaynayso in aanu anaguna cabirka waddada ka dawlad ahaan aanu ku darsano, inta ay sameeyeen maahee, inta kale aanu qorshe kale ugu darno, oo aanu soo aragno ayay ujeedadayadu ahayd”.

Gudoomiyaha degmada Xarshin, oo isna goobtaasi ka hadlay dhismaha jidkaasi ayaa dul istaagay jidkani iyo faa’iidada uu yeelan doono.

Waxaanu yidhi,    “Wadadani waxay ka bilaabanta Bali-gubadle oo xadka Somaliland ku yaala ilaa Higloleey ay gaadho ayaa ujeedada loo samaynaya ay tahay wadadani, waana 45-km ayaa la sameeyay intii kalena hada cabirkeeda ayaa la saxay oo waa ay socotaa, cida sameysay bulshada degmada degmada Xarshimeed”.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here