Jamei Vardy oo u Quus Gooyay Wenger Markii uu Kordhiyay Heshiiskiisa Leicester City

0
1160

HargeisaPress —Jamei Vardy, ayaa qallinka ku duugay heshiis cusub oo uu afarta sanno ee soo socda kula joogi doono Leicester City, taasoo guud ahaan meesha ka saartay rajadii Arsene Wenger ka qabay iibka laacibkan.

 

Qoraal Leicester shaacisay ayay ku xaqiijiyeen in 29 jirkan saxeexay heshiis cusub oo afar sanno ah, isla markaana uu toddobaadkii mushahar u qaadan doono 100 kun oo pound, taasoo meesha ka saaraysa inuu ka tegeyo.

 

Waxa kaloo Leicester City qoraalka ku sheegtay in aanay gebi ahaanba waxba ka jirin inuu Arsenal ku biirayo, iyagoo caddeeyay inuu burburay wada-hadal labada naadi bishan horraanteedii dhex-maray.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY