Jamaal Cali Xuseen: Indho-adkaantii Ugu Darnayd Ee Aan Somaliland Ku Arkaa Waxay Ahayd…

0
2393

Hargeisa (Hargeisa Press) – Siyaasiga Jamaal Cali Xuseen, ayaa ka sheekeeyey indho-adkaantii ugu darrayd ee uu Hargeysa ku arkay amma kula kulmay Somaliland, taas oo uu ku sheegay in Buugaag la soo bandhigayo oo adiga been lagaaga sheegayo, laguguna soo marti-qaadayo.

Jamaal oo hadal ka jeediyey Buug xalay lagu soo bandhigay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inuu arkay Buugaag aad u fool-xun oo aan hab qoraal ahaan iyo anshax ahaan toona wanaagsanayn oo la wada marooriyey habkooda qoraalka, isla markaana aan u qalmin in Buugaag loogu yeedho.

LEAVE A REPLY