Jabuuti oo Sheegtay In Kenya Aan Lagu Aamini Karin Amaanka Gobolka

0
601

Djibouti (Hargeisa Press)- Dowladda Jabuuti ayaa wali wada dadaalka ay ugu jirto sidii ay ku hanan lahayd matalaada Kursiga Afrika ee golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, ka dib markii dhawaan loolan ay taageerada midowga Afrika ku raadineysay ay Kenya uga guuleysatay.

Wasiirka arimaha dibeda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay inKenya aan lagu aamini karin kursiga ay u tartamayso ee golaha amaanka, maadaama sida uu yidhi uu khilaaf xoogan kala dhexeeyo Soomaaliya.

Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf oo maanta safiirada ajnabiga ah ee dalkiisa ku sugan kala hadlayay arinta la xidhiidha musharaxnimadooda kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Amaanka, ayaa sheegay in Jabuuti ay u baahan tahay codadka dalalkaasi.

“Jabuuti waxa ay qiyaasaysaa inay ku saxan tahay dadaalkeeda ku aadan kursiga Golaha amaanka. Waxa aan u bahanahay taageraada dalalkiina ee ku saabsan musharaxnimadayada”, ayuu yidhi wasiirku.

Wuxuu dhanka kale sheegay in hadii Kenya ay kursigaas hesho ay saameyn ku yeelaneyso muranka kala dhaxeeya Soomaaliya.

“Waxa aan qiyaaseynaa oo kale inay Kenya dhibaatada khatar ah ku heyso Soomaaliya, xalaada u dhaxaysa labada dalna ay cirka isku sii shareeri karto oo ay faraha ka bixi karto”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyay in Kenya an lagu aamni karin amniga gobolka.

“Waxa aan qabaa dal sidaas khatar u ah ma ilaalin karo danaha gobolka iyo qaarada iyo nabada guud, hadii u khilaafka si fogaadana waxa uu saamayn karaa labada dal iyo gobolkaba”.

Ma jiro wax war ah oo ilaa hada ka soo baxay Xukuumada Nairobi, oo ay arintan kaga jawaabeyso. Hase yeeshee, waxay Kenya ku naalooneysaa taageerada dalalka Midowga Afrika, si ay ugu tartanto kursiga ay damacsan tahay inay golaha amaanka ugu matasho qaarada Afrika.

Cod-bixin ay bishii Augost sameeyeen dalalka xubnaha ka ah midowga Afrika oo ka dhacday magaalada Addis Ababa ayey dowlada Kenya ka heshay 37 cod, halka Jabuuti ay heshay 13 cod oo kaliya.

Laakiin Jabuuti ayaa wali ku adkeysaneysa inay tartanka lasii wado Kenya marka la isla tago golaha amniga, ayna isku daydo inay ka guuleysato.

Hore uma dhicin in wadan laba dal oo ku kala hadhay midowga Afrika ay wali loolan kusii sameeyaan kursigaas.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here