Jabuuti oo Deeq Lacageed Soo Gaadhsiisay Dadkii Ku Hanti Beelay Suuqa Waaheen

0
827

Djibouti (Hargeisa Press) – Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa waxaa uu ka hadlay hawlaha caawimada eè Jabuuti u soo dirtay Somaliland taas oo wax loogu qabanayo dadkii hantidoodii ay ku burburtay suuqii Waaheen ee gubtay.

Safiir Cabdifatax ayaa yidhi “Ugu horayn waxaan halkan uga mahad-celinayaa anigoo ka wakiil Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo Shacabka Somaliland, Dawlada Jamhuuriyada Jabuuti, oo u ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaacil Cumar Geelle iyo Shacabkiisa, oo ahaa Madaxweynihii ugu horeeyey ee lasoo xidhiidhay Madaxweyneheena markii ay masiibadda Dabku Haleeshay Suuqa Waaheen”.

Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, waxa uu sheegay in Xukumadda Jabuuti ay soo gaadhsiisay Somaliland Deeq lacageed oo dhan hal-milyan oo Dollar, sidoo kalena waxay Xukumadda Madaxweyne Geelle, iyadoo Mar labaad Somaliland ugu soo deeqday xadi-lacageed oo dhan 580-shan boqol iyo Sideetan kun oo Dollar, waxaana dhaqaalahan dambe loogu talo-galay in Raashin loo siiyo Dadkii Suuqa Waaheen ku Gubatay Hantidoodii.

Geesta kale, Safiir Cabdifatax waxa uu sheegay in Xukumadda Jabuuti ay weli sii waddo Dedaalo kale oo dhaqaale loogu ururinaayo Dadka walaalahood ah ee u ka Gubtay Xaruntii ganacsiga ee Waaheen. waxanu tilmaamay inay ay socdaan Shirar ay hoggaaminayaan Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka arrimaha gudaha, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga, iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed oo kulamo lagula yeelanayo Baananka Caalamiga ah ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti iyo Ganacsatada dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here