Boorama (HP): Jaamacadda Camuud ee gobolka Awdal ayaa shaacisay in ay sanadkan bilaabayaan aqoonta waxbarasho ee heerka PHD.
Waxaana bilawga barashadda shahaadadda PHD ee ay bilaabayso jaamacadda Camuud lagu qaadan doonaa culuumta caafimaadka guud ee bulshadda, isbedelka cimiladda adduunka iyo kuwo kale.
Sidaasina waxaa shaaciyay guddoomiyaha jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka jaamacadaasi oo maanta shir jaraa’id qabtay.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.