Jaamacadda ADMAS Oo Soo Dhawayn U Samaysay Ardayda Cusub

0
720

Hargaysa (HP): Maamulka jaamacadda ADMAS ee magaaladda Hargaysa ayaa munaasibad soo dhawayn ah u qabtay ardayda cusub ee jaamacadu qaadatay sanadkan gaar ahaana kuwa kuliyadda maamulka iyo maaraynta.

Waxaana munaasibadaas ka soo qayb galay maamulka sare iyo macalimiinta jaamacadda ADMAS, qaar ka mida ardayda wax ka barata jaamacadaasi iyo masuuliyiin kale.

Maamule ku xigeenka jaamacadda ADMAS qaybteedda Hargaysa oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay  ayaa soo dhaweeyay ardayda cusub ee sanadka soo galay jaamacadda.

Waxaanu  kula dar-daarmay ardaydaasi in looga baahan yahay in ay noqdaan kuwo la majeerto, isla markaana ku caan baxa wanaag iyo akhlaaq.

Sidoo kale waxaa xafladaasi hadalo ka jeediyay hormoodka kuliyadaha kala duwan ee jaamacadda ADMAS iyo marti sharaf kale.

Halkan Ka Daawo Hadaladii Laga Jeediyay Xafladaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY