Jaamacada Admas Oo Xalay Xustay Sanad Guurada 27-aad Ee 18 May + SAWIRRRO

0
1432

Hargeysa, (HargeisaPress) —Maamulka Jaamacada Admas ayaa habeenkii xalay ahaa qabtay xaflad ay ugu dabaal d agayaa Munaasibada Sanad guur 27-aad Ee Ka Soo Wareegtay Markii Somaliland xornimadeeda kala soo noqotay Dawladii la isku odhan jiray Somaliya 18 may 1991.

Xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen ardayda jaamacada ayaa waxa ka soo qayb galay Masuuliyiinta Jaamacada Ugu Saraysa Xildhibaano Abwaano Siyaasiyiin Iyo Marti Sharaf Kale Badan.

Ugu Horayn waxa halkaasi hadalo ka soo jeediyay Siyaasi Cabdi Kariim Axmed Mooge Kana waramay Dhinaciisa Qiimaha Wadaniyada Iyo Heerka ay Qabyaalada Haatan Maraso “ Caawa waxaan jogaa madal ay qaban qaabisay jaamacada admas oo ay ku xusayaan qarankeena 27 jirsaday jaamacadu way ku amaanantahay sida ay ugu mid noqotay hurmuudka jaamacadaha ka shaqeeya Danta qaranka .

Cabdikariim dhinaca kale waxa uu ka hadlay qabyaalada iyo heerka ay maraso waxaana uu ardayda jaamacada admas kula taliyay in ay ka dheeradaan qabyaalada oo haatan dalkeena si xawli ah ugu fidasa” qaran iyo qabyaalad meel ma wada galaan waxaan idinkula talin lahaa in aad noqotaan kuwa maanta heeryada qabyaalada tura ee qaranka ku haga tubta toosa ee qaranimadeednu ku hirgalaso”.

Marwo Faadumo Siciid ayaa Iyana geesteeda ka sheekaysay marxaladihii kala duwanaa Ee dalka loo soo maray waxayna da’ayartii jaamacada admas ee halkaasi ku sugnayd ugu warantay wayihii qadhadhaa ee ay u soo joogtay waxayna tidhi “  runtii caawa waa wax aad logu farxo dhalinyarada quruxdaasi leh ee halkaasi hortayda soo fadhida waxa jirtay mar aan xoriyada aad halkaas ku fadhidaan aan lagu fadhiyin oo ardaydii dhigiina ahayd lala dhici jiray qori dabadii qarkoodna la dili jiray, caawa aad Ayaan u qiiraysanahay shucuurtaydana lama soo koobi karo waxaan xasuustay waxyabihii dhacayay markii dalku dagaalku ka socday”.

Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo ka mida mudanayaasha Golaha wakiilada Somaliland oo ka mid ahaa masuuliyintii lagu marti qaaday dabaal dagan ay soo qaban-qaabisay jaamacada admas ayaa geestiisa uga mahad-naqay Jaamacada sida qiimaha leh ay ugu dabaal dagtay maalintan qaran “ sharaf iyo karaamo ayey u tahay jaamacada admas in ay soo qaban qaabiso xafladan oo kale runtii waa jaamacad ku dayasho mudan waxa iyaguna mahad la mid iska leh ardayda jaamacada ee soo qaban qaabiyay kulankan waxaana muhiima in la idin xasuusiyo maalmihii qadhaadhaa ee dalku soo maray”.

Xildhibaan Obaama oo hadalkiisa sii wataa waxa uu ardayda jaamacada admas ku guubaabiyay in ay yihiin kuwii bari talada dalka gacanta ku dhigi lahaa waxaana si gaara farta ugu fiiqay in ay isu soo sharaxaan Golayaasha Deegaanka “ waxaan idinku guubaabin lahaa in aad isku sharaxdaan Golayaasha Deegaanka waayo golaha deegaanku waa halka wax badan laga badalo ee dal laga horu mariyo yurubtaas aad arkasaa wax sidaa u qurux badnaysiiyay waa golayaasha deegaanka, Waxa loo baahanyahay dad aqoon leh oo u shaqeeya umada” ayuu yidhi xildhibaan Obaama.

Gudoomiye Ku Xigeeka Jaamacada Admas  Prof: Xuseen Cabdilaahi  ayaa dhiniciisa ka waramay qiimaha ay xafladan leedahay waxaana uu ku bogaadiyay ardayda jaamacada sida qiimaha leh ee ay u soo abaabuleen xuskan jaamacadu caawa qabatay “  xafladan waxa soo qaban qabiyay Ardayda jaamacada waxana la garab istaagay maamulka jaamacada waa habeen xus mudan habeenkani sanad guuro wanagsan Ayaan idin leeyahay.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA 

LEAVE A REPLY