Jaamacada ADMAS Oo Xaflad Uqabatay Ardayda Cusub Ee Sanadkan Is Qortay Jaamacada + SAWIRRO.

0
1363

Hargeysa, (HargeisaPress) —Jaamacada Admas ayaa habeenkii xalay ahaa uqabatay ardayda sanadkan gelaysa xaflad soo dhawayn iyo usheegida sharciga jamaacada iskugu jirtay.

Xafladan oo ka dhacday xarunta wayn ee jaamacada Admas ku leedahay Hargaysa ayaa waxaa ka soo qayb galay maamulka iyo macalimiinta jaamacada iyo ardayda cusub ee sannadkan is qortay jaamacada.

Ugu horayna waxaa sharaxay ujeedada loo aasaasay jaamacada Admas Gudoomiye ku-xigeenka Jaamacada Xuseen C/laahi Maxamud “jaamacada sababta loo aasaasay waxay ahayd maadaama aan Somaliland haysan ictiraaf da’yarta iyo aqoonyahanka wax baranayaa inaanu ucurdu-duubnaan wadanku ictiraaf mahaysto oo ayna taasi ku dhicin laakiin  inay heli karaan waxbarsho aqoonsi caalamiya haysata, wax barasho dunida meeshii uu doono la tegi karo waxna kaga baran karo,kagana shaqayn karo, boqol iyo Jarjarka Milyan ee Itoobiyaanka ah ee inala dariska ah inta meelood ee ay dacalada dunida tagaan ayay shahaadadaaduna lamid tahay oo aad kaga diyaarinaysaa qaybaha kale ee waxbarashada aad la leefaltahay”.

Prof. Xuseen ayaa sidoo kale ka hadlay shahaadada ay bixiso jaamacada Admas “Shahaadada jaamacadu waxay la leefaltahay ama ay meel kasoo wada baxaan Central Registrar jaamacadu leedahay oo ku yaala Addis Ababa nidaam ayay martaa shahaadadaada lagu xaqiijinayo jiritaankeeda, dufacadii ugu horaysay ee Jaamacada ka baxdayna maanta waxay gaadhsiisanyihiin inay diyaariyaan PHD” ayuu yidhi Gudoomiye Xuseen.

Gudoomiye Xuseen oo hadalka siiwata ayaa yidhi “mudada aad halkan joogtan waa wax kooban, safarka aqooneedna sidiisaba wuu adagyahay ardayahaw shalay toole dugsi sare ayaad ku jirtay maanta laakiin waad ka duwantahay oo heer jaamacadeed ayaad tahay, markaa waa inaad naftaada usheegtaa inaad dugsigii sare ka timid oo aad usoo gudubtay heer jaamacadeed una diyaar garawdaan duruufaha ay leedahay aqoonta jaamacadeed” ayuu yidhi.

Axmed-naasir Xasan oo ah Madaxa waxbarashada ee Jaamacada ADMAS ayaa isaguna si weyn u soo dhawaayey ardadayda cusub, waxaanu usharaxay dadaalka looga baahanyahay ardayda “Geedigan aad caawa bilawdeen ee qaarkiin usocon doona sadex Sanno qaarkiina afar sanno usocon doonaa noqon maayo dariiqiisu mid bilaa turxaana hadba sida aad ugu diyaar garawdo maanta maskaxdaada iyo niyadaadana aad ugu sii diyaar garayso uunbaa ka masuul noqon doonta inaad ka midho dhaliso, waxaana idinka hor  iman kara  caqabado badan, hanoqdeen kuwa maaliyadeed, kuwa shakhsiyeed ama kuwa caafimaad” ayuu yidhi.

Sidoo kale waxaa munaasibada ka hadlay qaar kamid ah macalimiinta dhiga jaamacada Admas oo dhamaan tood qalbi furan ku soo dhaweeyay ardayda cusub ee sannadkan galaysa jaamacada.

Jaamacada Admas ayaa kamid ah jaamacada ugu tayada fiican jaamacadaha ka jira geeska Africa.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRRO

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here