Jaalliyadda Somaliland ee Washington iyo nawaaxigeeda oo kulan soo dhawayn iyo is xog waraysi ah ku qaabilaya Safiirka Cusub ee dhawaan Loo Magacaabay Dalka Maraykanka

0
1039

Hargeysa,(HargeisaPress)-  Jaalliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Maraykanka gaar ahaan agagaarka Washington DC, Virginia, iyo Maryland  waxa ay munaasibad cawaysin ah oo isugu jirta soo dhawayn iyo is xog waraysi ku qaabilayaan Danjiraha cusub ee Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi dhawaan u magacaabay dalkaas Maraykanka Danjire Bashiir Sheekh Cumar Good.

Jaalliyaddan Washington oo sida Jaalliyadaha kale ee Somaliland had iyo goor caan ku ah soo dhawaynta iyo maamuuska masuuliyiinta xukuumadda, goleyaasha qaranka, xisbiyada, ururada bulshada iyo qofkasta oo xil iyo hawl shaqo u haya Somaliland oo booqasho  ku yimaada Washington DC, waxa ay kulankan oo ujeedadiisu tahay soo dhawaynta safiirka cusub iyo xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed, is fahanka fiican, iyo iskaashiga Jaalliyadda iyo Ergada Diblomaasiyadeed uu madaxda u yahay Danjire Good ee fadhigeedu yahay Washington, ku qaabilayaan safiirka habeenka Sabtida 13-ka bishan October.

Sidaas awgeed, Gudida Jaalliyaddu waxa ay ku wargelinaysaa, kana codsanaysaa bulshadda Jaalliyadda inay iska xilsaaraan soo dhawaynta Danjire Bashiir Sheekh Cumar Good oo ah anin aqoonyahan ah, dhaqanyaqaan ah, baadhe iyo suxufi weyn ah.

“Waxa aannu ka codsanaynaa Jaalliyadda inaan soo dhawaynno Wakiilka cusub, is baranno, oo aan ka wada sheekaysanno xaaladda iyo waajibaadka shaqo ee danaha wadankeenna iyo sidii aan wax ugu qaban lahayn dadkeenna iyo dalkeenna Jamhuuriyadda Somaliland kaasoo ah waajib qaran oo safiirka iyo jaalliyad ahaanba innoo wada yaalla. Gacmo wada jirbay wax ku gooyaan.”

Faahfaahin dheerada kala xidhiidh +15713397777, ama telefoonnada ku qoran sawirka qoraalkan la socda

Ka soo qaybgal wacan

 Allaa Mahad Leh

Jamal  Y. Daroor.

Washington DC

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here