Jaaliyadda Somaliland ee Maraykanka oo la kulantay xubno ka mid ah barnaamijka Mandela Washington Fellowship

0
1079

Washington,(HargeisaPress) —Jaaliyadda Somaliland ee Maraykanka ayaa soo dhowaysay afar qof oo reer Somaliland ah oo ka mid ah barnaamijka Mandela Washington Fellows ee YALI.

Jamaal Y. Daroor oo ah gudoomiyaha Jaaliyadda iyo xubno kale ayaa casumay afartan qof oo ka yimi Somaliland si ay uga qayb qaataan barnaamijka YALI oo kun qof hogaamiyayaal da’yar oo Afrikaan ahi ay ku yimaadeen Maraykanka mudo lix todobaad ah.

Barnaamijkan oo sanadkii 2014 uu bilaabay Barack Obama, madaxwaynihi hore ee Maraykanku, ayaa ay mid waxbarasho ku saabsan hogaaminta lagu baro. Waxana ka soo qayb gala dhalinyaro da’doodu u dhaxayso 25 ilaa 35 jira oo ka kala yimi 48 wadan oo ah kuwa ka hooseeya Saxaraha Afrika.

Ka soo qaybgalayaashu waxaay si waynu ugu mahad celiyeen Jaaliyadda iyo kulanka ay soo abaabuleen.

Jaaliyaddu waxaay soo dhowaysay xubnahan oo ay ku dhiirigelisay inay sii wataan hawlaha ay ka hayaan dalka iyaga oo u ballan qaaday inay la shaqayn doonaan.

Xubnaha reer Somaliland ee barnaamijka YALI ka qayb galay waxaay kala yihiin Guleid Ahmed Jama, Hodon Adam Ali, Rahma Abdirahman Ahmed and Roda Abdilahi Ali.

LEAVE A REPLY