Jaaliyadda Somaliland Ee Dalka Holland oo War Ka Soo Saartay Doorashadii Shir-guddoonka Cusub Ee Golaha Wakiillada

0
1283

Amsterdam (Hargeisa Press) – Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan waddanka Holland, ayaa war ka soo saartay doorashadii shir-guddoonka cusub ee golaha Wakiilladda Somaliland.

Salaasadii toddobaadkan, ayaa Golaha Wakiillada cusub ee Somaliland oo fadhigoodii u horeeyey yeeshay, waxa ay shir-guddoonka Golahaas u doorteen saddex xubnood oo ka soo baxay Xisbiyada Mucaaradka, iyadoo codad aan badnayn lagaga guulaystay murashaxiintii ka soo jeeday Xisbiga Kulmiye.

Jaaliyadda Somaliland ee dalka Holland, ayaa Shir-guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada ku bogaadiyay qaabkii ay doorteen saddexda xubnood ee hoggaamniya golahaasi.

Waxaana ay boogaadiyeen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee loo doortay Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Guddoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada, Siciid Mire Giire iyo Guddoomiye ku Xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada, Cali Xaamud Jibriil.

 Jaaliyadda Somaliland ee dalka Holland, ayaa u rajeeyay Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland iyo  Shirguddoonka in ay si daacada ugu shaqeeyaan Shacabka Somaliland ee soo doortay.

Sidoo kale, Jaaliyadda Somaliland ee dalka Holland, ayaa waxa ay ku amaaneen Madaxweynaha Somaliland Qabashadii Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ee dalka ka qabsoomay 31 Bishii May.

Afhayeenka  Jaaliyadda Somaliland ee dalka Holland Cabdikariin Qoorgaab

LEAVE A REPLY