Jaaliyadda Somaliland Ee Belgium Oo Madaxweynaha Ku Hambalyeeyay Wakiilka Cusub Ee Midawga Yurub

0
554

Brussels (HP): Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Belgium ayaa  madaxweynaha Somaliland ku hambalyeeyay magacaabista uu wakiilka Somaliland u qaabilsan ururka midawga Yurub ugu soo magacaabay Salaan Xasan Kayd.

Salaam Xasan Kayd, ayaa hore u ahaa wakiilka Somaliland u fadhiya magaaladda Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Munaasibadda lagu soo dhawyaynayay wakiilka cusub oo lagu qabtay magaaladda Brussels waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Belgium C/raxmaan Sahal, iyo xubno ka tirsan jaaliyadda reer Somaliland.

Sidoo kale jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Belgium ayaa u mahad celiyay wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyay xarunta ururka midawga Yurub ee magaaladda Brussels ee caasimadda dalka Belgium Maxamuud Cabdi Dacar.

Halkan Ka Daawo Hadaladii Guddoomiyaha iyo Jaaliyadda:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

 

LEAVE A REPLY