Jaaliyadda Somaliland Ee Belgium Oo Casho Sharaf U Sameeyay Faadumo Siciid

0
953

Brussels (HP): Jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool dalka Belgium ayaa casho sharaf ku maamuusay Marwo Faadumo Siciid Ibraahim iyo xildhibaano ka tirsan goleyaasha Guurtidda iyo Wakiiladda Somaliland.

Kulan Casho Sharaf ah oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan wadanka Belgium ayaa lagu maamuusayey xubno sare oo ka socday golaha Guurtida iyo golaha Wakiilada ee Somaliland , isla markaana ay horkacaysay Fadumo Siciid oo ah Siyaasi Madax Banaan , oo muddo Shan cisho ku sugnaa Xarunta Midawga Yurub ayaa ka qabsoontay magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Waftigan Somaliland ka socday ayaa waxa safarkodu daarnaa sidi ay xidhiidh ula yeelan lahaayeen Baarlamaanka Yurub , xidhiidhkaasi oo si toos ah u dhex mara labada Baarlamaan ee midawga yurub iyo Golaha wakiilada Somaliland .

Xubnahan oo jaaliyada warbixin ka siinaayey mudadii ay jooggeen waxa uga hirgalay safarkooda ayaa waxay sheeggeen in ay labada baarlamaan isla qaateen inxidhiidh toos ah yeeshaan , isla markaan ay joogtayn doonaan safarada labada dhinac is waydaarsanayaan.

Waxa kale oo ay sheegeen inay kawada hadleen Arimaha Siyaasada, Dhaqaalaha,Ictiraafka sidoo kale sidii Midawga Yurub uu Deeqaha uu siiyo Somaliland si toos ah ugu siin lahaa Somaliland , isla markaana ay ka caawin lahaayeen Baarlamaankeena sidii ay uga dhisi lahaayeen dhinaca Tayada (Capacity Building).

Waxayna sheeggeen in ay iman doonaan khubaro ka socda Baarlamaanka Yurub iyagoo indho indhayn doonaa meelaha Baarlamaanka Somaliland ay ka caawin karaan ee u baahan in Tayadooda kor loo qaado.

Xubnahan ka socday Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada ayaa ujeedadooda safarkooda waxa kamdi ahaa sidii Saaxiibo Taageera Qadiyada Somaliland uga dhex samaysan lahaayeen xubnaha Cusub ee Midawga Yurub ee Sanadkan la soo doortey iyadoo hore Somaliland ay ugu lahayd Saaxiibo badan oo u ololleeya Qadiyada Somaliland, balse ay hada meesha ay ka baxeen markii wakhtigii la soo doortey ay dhamaatay.

Xubnahan ka socday labada Gole ee Somaliland ayaa sheegay in hada lagu guddo jiro in Somaliland xafiiska ay ku yeelanayso midawga Yurub tayadiisa kor loo qaadayo, hadana gacanta lagu hayo sidii loogu soo saari lahaa inuu hello cafiis u shaqeeya sida Safaarada dalka Taiwan ku leedahay midawga Yurub sharciyada ay ku shaqayso mid lamid ah.

Waxaanu si wayn u fududayn doonaa xidhiidhka Midawga Yurub iyo Jamhuuriyada.

Geesta kale xubnahan ka socda labada ee Somaliland ayaa Maanta ka anba baxaya Xarungta midawga Yurub ee Brussels iyagoo ku wajahan wadanka Germlaka Magaalada Berlin oo ay kulamo mihiim ah ku leeyihiin, waxaanay sidoo kale booqasho ku tagi doonaan magaalooyinka , Frankfurt, boon iyo kolan oo ka tirsan Wadanka Germalka.

Gabileynewsonline.com

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here