Jaaliyada Somaliland Ee Wadanka Netherlands oo Kulan Ka Yeeshay Sidii Ay U Dar-dar Gelin Lahaayeen Hawlaha Horyaala

0
708

Utrecht (Hargeisa Press)- Jaaliyada reer Somaliland ee wadanka Netherlands ayaa waxa ay kulan ay kaga tashanaayaan hawlaha jaaliyad ahaan ku yeeshay magalada Utrecht .

Waxaana ugu horayn kulanka ka hadlay Guddoomiyaha Jaliyada Somaliland ee wadanka Netherlands Md.Mahmoud Abdalla Digaale isagoona ka war bixiyaya mudadii yarayd ee jaliyada jirtay waxyaabihii uu qabsoomay, wuxuuna gudoomiyuhu xusay inuu kulan kani yahay is barsho dhinaca mamulka ah.

Guddoomiyhu ayaa hoos ta ka xariiqay inay dhawaan sii buuxa uu la wareegi doonan mamulka Jaaliyada oo hawlo badan u yaalan oo Loo baahanyahay in dadaal badan La geliyo.

Guddoomiyuha ayaa sidoo kale wuxuu ka dhawaajiyay in ka jaliyada ahaan markasta diyaar uu yihiin inay dalkooda iyo dadkoodab garab tagan yihiin.

Sidoo kale,  gudoomiye Mahmoud Abdalla digaale wuxuu uu carabka ku dhuftay inay sanadkaa si wayan Looga xusii doon 18 May oo ah maalinta qaranka  ee Somaliland oo qiimo badan ugu fadhida taas oo shacabka reer Somaliland ee ku nool wadanka Netherlands ay aad ugu hiilin doonan loona soo qaaban qaabin doono sii heer caalamiya ah.

Dhinaca kale, kulankaas waxaa ka hadalay Gudoomiye  ku xigeenka Jaliyada Somaliland md Ahmed Aden oo isagunaa goobtaas kasoo jeediyaya hadalo dardaarana iyo dhiiriigalin oo ku taxaluuqa iskaashiga iyo midnimada qiimaha ay leedahay.

Wuxuuna xusay in Jaliyada ahaan muhiim u tahay kulanka sidaan oo kale ah, gabgabadii waxaa iyaguna kulankaas ka hadlay qaar ka mid ah masuuliyiinta jaaliyada oo dhamaan tood soo jeediyay sidii jaliyada loo hormarin Lahaa.

Cabdikariim Qoorgaab: HargeisaPress News Desk – Holland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here