Itoobiya: Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibada Oo La Dilay

0
496

Addis Ababa (HP): Dawladda Itoobiya ayaa xaqiijisay dilka wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda dalkaasi iyo saraakiil kale oo ka tirsanaa xisbiga Tigray-ga ee TPLF.
Hawlgal ay fuliyeen milatariga ayaa lagu dilay afar hoggaamiye oo uu sidoo kale ku jiray nin magiciisa lagu sheegay Abey Tsehaye.
Sida lagu shaaciyay bogagga laanta xaqiijinta arrimaha degdegga ah ee dowladda Itoobiya.
Tallaabada lagu fulinayay howlgalka ayaa la sheegay in ay daba socotay dalab isdhiibitaan ah oo siyaasiyiintaas loo bandhigay, balse ay ku gacan seydheen.
Siyuun Musfin, ayaa xilka wasiirka Arrimaha dibadda ka soo qabtay xukuumaddii Meles Zenawi, wuxuuna ka mid ahaa shakhsiyaadka ugu caansan siyaasiyiinra reer Itoobiya.

Soomaalida ayuu caan ka ahaa maadaama uu muddo dheer hoggaaminayay arrimaha siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya.
Gaar ahaana xiligii ay ciidamadda Itoobiya gudaha u galeen Soomaaliya sanadkii 2006-dii.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY