Itoobiya Oo Yeelatay Madaxweyne Cusub

0
1277

Addis Ababa (HargeisaPress) —Dalka Itoobiya ayaa markii ugu horreeysay waxaa madaxweyne ka noqotay haweeney, kaddib markii uu xilka iska casilay madaxweynihii hore.

Xildhibaannada labada gole ee dalka Itoobiya ayaa fadhi uu yeeshay, waxaa ay madaxweynaha dowladda federaalka ah ee dalka Itoobiya u doorteen, Sahlework Zewdie, iyadoo noqotay qofkii ugu horreeyay ee dumar ah oo jagada ka qabata dalka Itoobiya.
Ka hor doorashada waxaa isla xildhibaannadu codsigii is casilaadda ka aqbaleen madaxweynihii hore ee dalka Itoobiya Mulatu Teshome,kaaso xilka hayay muddo afar sanno iyo bar ah, waxa ugu weyn ee uu xilka uga tagay waxaa aad loo aaminsan yahay in ay la xiriirto isu dheellitirka siyaasadda Itoobiya ee wax qaybsiga qabaa’ilka, ayadoo ra’iisul wasaare Abiy Axmed iyo Mulatu Teshome ay labadaba ka soo jeedaan qowmiyadda Orommada, sidaa darteedna aysan isku darsan karin labadaas jago ee waaweyn.
Dumarka ayaa hadda awood weyn ku leh dalka Itoobiya,dhawaan isbadal uu golaha wasiirrada ku sameeyay ra’iisul wasaaraha Itoobiya, wasiirrada 50% ayuu dumar ka dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here