Itoobiya Oo Xayirtay Hantidda Ganacsato Reer Tog-Wajaale ah iyo Eedaha Loo Haysto

0
939

Tog-wajaale (HP):  Baanka dhexe ee Xukuumadda Federaalka Waddanka Itoobiya ayaa gabi ahaanba Xayiray, Dhaqdhaqaaqii Maaliyadeed iyo Ganacsina hawada ka saartay Boqollaal Ganacsato ah oo waaweyn oo ay xataa ku jiraan Uguna Badan Yhiin Ganacsato reer Wajaale ah oo isticmaali jiray Baananka Ganacsi ee dalka Itoobiya eek u yaalla Daanta Itoobiya ee Wajaale.

Baanka Dhexe ee Xukuumadda Federaalka Itoobiya ayaa Toddobaadkan soo saaray wareegto Culus oo lagu taxay Liiska Ganacsato badan oo xayiraad laga saaray Lacagihii u yaallay Baananka Itoobiya maadaana Baanka dhexe uu maamulo dhammaanba bangiyada kala duwan ee Ganacsi ee dalkaasi Itoobiya ee ay dadku isticmaalaan.

Waxaana Ganacsatadan lagu eedeeyey in ay sameeyeen dhaqdhaqaaqyo liddi ku ah sharciga Maaliyadda, Diriddidda Lacagaha iyo dambiyada la xidhiidha sida Dhaqista Lacagta, Ganacsiga Koontarabaanka, adeegsiga xawaalado sharci darro ah oo loo diri karay wax ay Itoobiya ku sheegtay argagixiso iyo guud ahaan nidaam Liddi ku ah shuruucda Maaliyadeed, ganacsi, lacag dirid iyo keydineedba taasoo keentay in xukuumadda Itoobiya gaar ahaan Baanka Dawladdu soo saaro xayiraaddan culus.

Wareegtada Baanka ayaa lagu taxay Magacyada Ganacsatada, Bangiyada ay isticmaalayeen, Magaalooyinka ay akoonada ku lahaayeen iyo xaddiga Malaayiinka Birr ee xayiraadda laga saaray waxaana liiskan ka muuqdo Magacyo badan oo ah ganacsato dhirbaaxadan culusi ku dhacday oo ka diiwaan gashanaa Magaalo Ganacsiyeedda Tog-wajaale gaar ahaan Daanta Itoobiya kuwaasi oo isugu jira Ganacsato Somaliland kasoo jeeda, kuwo dawlad Deegaanka ka soo jeeda iyo xataa Ganacsato kale oo Itoobiyada kale ah balse xidhiidhka ugu weyn ee Ganacsi la lahaa Magaalada Wajaale.

Magacyada Ganacsatada Soomaalida ah ee Lacagtoodii iyo Ganacsigoodiiba la xayiray, xaddiga lacagta laga xayiray iyo sababta looga shakiyay ganacsigoodu waxa ay kala yihiin:

Tog-wajaale: Fuaad Aadan Ciise- Lacagta laga xayiray 139,401,183 Birr, waxa lagu eedeeyey Lacag dirid sharci darro ah.

Tog-wajaale: Cabdilaahi Axmed Faarax- Lacagta Laga Xayiray 61,334,947 Birr – Lacag dirid sharci darro ah

Bullae: Cabdillaahi Axmed Faarax – 30,931, 738 Birr- Lacag Dirid shari darro ah

Kefira: Mubaarig Xuseen Ismaaciil, 59,346, 672, Koontarabaan iyo Lacag dirid sharci darro ah

Tog-wajaale: Xasan Axmed Cumar- 43,497, 317, Koontabaraan iyo Lacag dirid sharci darro ah

Tog-wajaale: Naasir Aadan Aw Cali- 32,345, 579, Koontarabaan iyo Lacag dirid sharci darro ah

Tog-wajaale: Fuaad Aadan Ciise- 29,058, 792,- Koontarabaan

Bullae: Nimcaan Maxamed Faarax- 28,308, 589- Lacag dirid sharci darro ah

Tog-wajaale: Cabdiqaadir Cismaan Xuseen- 25, 162, 422- Lacag dirid sharci darro ah

Bullae: Cabdishakuur Cumar Cali- 23, 034, 570- Ganacsi sharci darro ah iyo Lacag dirid sharci darro ah

Jehedin: Khasar Cismaan Xasan- 21, 731758 – Ganacsi Sharci Darro ah

Tog-wajaale: Mubaarig Xuseen Maxamuud – 16,067,377- Lacag dirid sharci darro ah

Tog-wajaale: Suhayb Awal Xasan – 15,501, 683- Ganacsi shari darro ah

Tog-wajaale: Amarre Faarax Cabdilaahi- 15,473, 980 – Lacag dirid sharci darro ah

Bullae: Xuseen Cumar Cismaan – 15,428, 697 – Ganacsi shari Darro Ah

Tog-wajaale: Khadar Saleebaan Nuur – 15, 268, 869- Ganacsi shari darro ah

Sulul: Ismaaciil Cabdilaahi Cumar – 14, 017, 308- Ganacsi sharci darro ah

Tog-wajaale: Cabdi Axmed Cabdalle- 11,880,433- Lacag dirid sharci darro ah

Tog-wajaale: Xuseen Cismaan Maxamed- 11,829, 512- Lacag dirid sharci darro ah

20-. Tog-wajaale: Iid Cali Cabdilaahi – 11,174, 175- Lacag dirid sharci darro ah

Tog-wajaale: Cabdikariin Maxamuud Cabdilaahi- 10,984, 041- Lacag dirid sharci darro ah

Harta-sheekha: Maxamed Baaruud Maxamuud- 9,509,210- – Lacag dirid sharci darro ah

Tog-wajaale: Maxamuud Axmed Muxumed- 9,222,444- – Lacag dirid sharci darro ah

Tog-wajaale: Cumar Xasan Muxumed – 7,252,395- – Lacag dirid sharci darro ah

Tog-wajaale: Maxamed Rashiid Yuusuf – 6,989,336- – Lacag dirid sharci darro ah

Tog-wajaale: Mukhtaar Jaamac Barkhad- 5,690,671- Koontarabaan iyo Lacag dirid sharci darro ah.

Go’aankan Baanka Itoobiya soo saaray ee xayiraadda ah ayaa guux culus ka dhaliyay dalkaasi maalmihii ugu dambeeyey waxaana wararka qaar sheegayaan in ay ganacsato kale ku daba jiraan oo ay doonayaan in ay tallaabadan oo kale ka qaadaan.

 

Xigasho; Wargeyska Foore.

LEAVE A REPLY