Itoobiya oo Soomaaliya Uga Soo Fasax-qaadanaysa Saldhigyo Ay Ciidamadeeda Bada Uga Samaynayso Somaliland

0
2796
Addis Ababa (Hargeisa Press) – Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa rumaysan in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu u dammaanad qaadi karo in dalkiisu uu Saldhig Ciidammada badda ah ka samaysto biyaha badda ee Somaliland, sida uu sheegay Menafn.com. 

Sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka Itoobiya ee FANA iyo ilo-wareedyo khuseeya Difaaca iyo Amniga Gobolka, Itoobiya ayaa ka shaqaynaysa Fikraddii Ciidamo Xoog leh oo kuwa badda ah ay Saldhigyo ugaga samayn lahayd biyaha badda ee Dalalka Somaliland, Eritrea iyo Djibouti sida uu Arbacadii Shalay uu baahiyey Menafn.com.

Sida ay Werisay BBC-da la hadasha Afrika, Markii Eritrea ka xorowday Itoobiya 1993-kii, waxa Dawladdii Federaalka Itoobiya ee ay hoggaaminayeen TPLF iyo Xisbigii EPRDF ay ku soo dhaceen Bad la’aan, sidaa darteed 30 sanadood ka dib, waxay dib u eegaysaa Qorsheeda ah inay dib u dhisto Ciidammadeeda badda, iyadoo loo soo jeediyey inay Deriskeeda ka heli karto Saldhig, iyadoo Taageero ka helaysa Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

“Dhismaha Ciidammada Badda oo hoosta laga soo bilaabaa, waxay u baahan tahay Maalgelin ballaadhan iyo Wakhti lagu tababbaro Ciidammada iyo Saldhig, maaddaama oo aanay Itoobiya lahayn Bad..” ayuu sheegay Proff. Nour Kaafi oo ah Khabiir dhinaca Ciidammada badda ah, waxaanu intaa ku daray in Saldhig Ciidammada badda ah oo Itoobiya ka dhisto Somaliland iyo Jabuuti uu yahay Hanti siyaasadeed oo ay yeelanayso Itoobiya isla-markaana ay Mustaqbalka kula dagaalamayso kooxaha Mucaaradka ku ah.

Prof. Nour Kaafi wuxuu sheegay in sababta uu Faransiisku uu Itoobiya uga caawinayo dhismaha Ciidammada baddu tahay inuu ku baraarugsan yahay heshiis dhinaca Badda ah oo ay dhawaan wada gaadheen Soomaaliya iyo Turkiga oo uu Xafiiltan ka dhexeeyo Faransiiska.

Heshiiska dhinaca badda ee Turkiga iyo Soomaaliya waxa Toddobaadkan War-bixinteeda Toddobaadlaha ah ku shaacisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Dawladda Ankara.

Toddobaadkii hore, ku-xigeenkii Ciidammada Milletariga ee dalka Itoobiya oo dhawaan loo Magacaabay Taliyaha Ciidammada General Berhanu Jula, ayaa Waraysi uu bixiyey ku sheegay inay ka shaqaynayaan Aragtidii lagu dhisi lahaa Ciidammada badda Itoobiya oo si fiican u tababbaran, kuna qalabaysan Tiknoolajiyadda Casriga ah “Waa Go’aan Istaraatiiji ah Qorshaha dhismaha Ciidammada badda ee Itoobiya, maaddaama oo dalal Bariga dhexe ah iyo Waddamo kaleba ay aasaayaan Saldhigyadooda Ciidammada badda..” ayuu yidhi, isagoo intaa sii raaciyey in aanay xaq u ahayn in dal ay ku nool yihiin Dad ka badan boqol milyan aanay lahayn Ciidammada badeed.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo bishii lixaad ee sannadkan ku dhawaaqay inay Itoobiya dhisayso Ciidammadeeda badda ayaa muddooyinkii u dambeeyay wanaajinayey Xidhiidhka Soomaaliya iyo Eratrea oo xidhiidh ganacsi ka dhexeeyo.

Ra’iisal wasaare Abiy Axmed oo aaminsan in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu damaanad-qaadi karo Saldhigyo Ciidammada badda ee Itoobiya looga samayn karo biyaha badda ee Somaliland ayaa la filayaa inay dhawaan Magaalada Addis Ababa uu kula kulmo Farmaajo iyo Madaxweynaha Eritrea, sida uu sheegay Menafn.com.

LEAVE A REPLY