Itoobiya oo Qabatay Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab iyo Daacish oo Weeraro Qorsheynayey

0
880

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Warbaahinta dowladda Itoobiya ee FANA ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee ka dagaalamay gudaha Soomaaliya.

FANA ayaa sheegtay in ragga la qabtay oo uu ku jiro hoggaamiye lagu magacaabo, Maxamed Cabdullaahi ay abaabulayeen weeraro ay la beegsadaan meelaha ay dadka isugu yimaadaan, sida Hoteellada iyo goobaha cibaadada.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan sirdoonka Itoobiya ayaa tilmaamay in xilliga la qabanayey raggan ay wadeen xog uruurin, islamarkaana ay muuqaallo ka duubayeen goobaha ay doonayaan inay beegsadaaan.

Howlgalka lagu soo qab qabtay xubnahan ayaa waxaa si wadajir ah isaga kaashaday Sirdoonnada dalalka Itoobiya iyo Jabuuti, sida lagu sheegay War-Saxaafadeedka.

Warka ayaa intaasi ku daraya in meelo kala duwan ay ku sugnaayeen raggaasi, sida Addis Ababa, ismaamulka Oromada iyo gobolka Soomaalida.

Dhowan ayey aheyd markii hay’adaha ammaanka Itoobiya ay shaaciyeen inay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Daacish oo doonayey inay unugyo ka sameystaan dalkaasi.

 

Hargeisa Press.com/Addis Ababa Office.

LEAVE A REPLY