Itoobiya oo Beenisay In Ciidamo Soomaali Ah Ka Qeyb-qaateen Dagaalkii Tigrayga

0
1105
Afhayeenka Wasaarradda Arrimaha dibadda Dowladda Itoobiya

Addis Ababa (Hargeisa Press) — Dowladda Itoobiya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay in ciidamo Soomaali ah ka barbar dagaalameen ciidanka difaaca Qaranka Itoobiya ee dagaalka la galay xoogagga Tigrayga.

Afhayeenka Wasaarradda Arrimaha dibadda Dowladda Itoobiya Dina Mufti ayaa warka ku saabsan in ciidamo Soomaali ah ka qeybqaateen dagaalkii Waqooyiga Itoobiya ee lala galay Tigrayga yihiin kuwo been abuur ah.

“Waxaan aragnay warar sheegaya in ciidamada Eritrea ay u soo gudbeen xuduudda Ethiopia. Waxaan sidoo kale aragnay warar la mid ah oo sheegaya in askar Soomaali ah ay ka qeyb-galayaan dagaalka. Labada sheeko waa been abuur aan sal laheyn,” waxaa sidaas yidhi afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia Dina Mufti. 

Warkan arrintan ku saabsan ayaa xiisad weyn ka dhax abuuray siyaasadda Soomaaliya, waxaana jira cadaadis xoog leh oo madaxda Soomaaliya lagu saarayo in ay jawaab ka bixiyaan waxa ka jira in ciidamo Soomaali ah ka dagaalameen Itoobiya.

Laakiin dowladda Federaalka arintan waa ay beenisay iyada oo ku tilmaamtay warar la siyaasadeynayo oo ay ka faa’ideysanayaan dadka dowladda ka soo horjeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here