Itoobiya iyo Masar oo Heshiis Ka Gaadhay Khilaafkii Webiga Nile

0
619

Washigton (Hargeisa Press)- Dalalka Masar, Sudan iyo Itoobiya ayaa heshiis hordhac ah ka gaadhay qeybsiga biyaha webiga Nile oo muddooyinkii dambe ay isku khilaafsanaayeen Masar iyo Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa biyaha webiga Nile ka sameysay biyo xidheen ay dooneyso in ay ka dhaliso koronto, mashruucaas oo ah biyo xidheenka ugu weyn qaaradda Afrika.

Mashruucan ayaa waxaa uu xiisad diblomaasiyadeed ka dhex abuuray dalalka Masar iyo Itoobiya, waxaana Dowladda Itoobiya ay ku kharash gareyneysa lacag dhan afar Bilyan oo doolar.

Dalka Masar oo dadka ku nool ay tiradoodu gaadheyso boqol milyan oo qof, dadkiisuna ay intiisa badan ku tiirsan yihin biyaha webiga Nile ayaa walaac ka qabta biyo yaraan ku iman karta wabiga Nile.

Muranka xukuumadaha Qaahira iyo Addis Ababa ayaa markii hore ku saleysnaa in aanan la dhisin biyo xidheenka, balse maadaama uu haatan gebogebo yahay, waxay dooda kusoo uruurtay sida uu biyo xidheenkaas u buuxsami karo.

 

Masar waxaa ay haatan doorbideysaa in biyo xidheenka Itoobiya lagu buuxiyo si tartiib tartiib ah oo aan saameyn doonin helitaankeeda biyaha wabiga Nile, halka Itoobiyana ay dooneyso in ay durba buuxiso biyo xidheenka, si ay koronto uga dhaliso.

Labada dhinac oo wadahadal ku yeeshay magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa isku afgartay in heerar kala duwan lagu buuxiyo biyo xidhenka marka uu Itoobiya ka da’o roob, Itoobiyana lagula xisaabtami doona sida loo maareynayo biyaha webiga xilliyada abaarta.

Dalalka Masar, Sudan iyo Itoobiya ayaa sanadkii 2018-ka isku afgaran waayay xallinta khilaafka webiga Nile.

Wadahadaladaas oo ay ka qeybgaleen wasiirada arrimaha dibadda iyo saraakiisha sirdoonka islamarkana socday 17 saacadood ayaa lagu guuldaraystay in la xaliyo khilaafkii u dhaxeeya dalalka ee wabiga Nile.

Masar ayaa sheegtay in biyo xidheenkan uu saamaynayo helida biyaha Masar iyo Beeraleyda dalkaasi.

Waxa ay Masar sidoo kale ku adkaysanaysaa in ay xaq taariikhi ah u leedahay taasi oo uu u damaanad qaaday heshiiskii la saxeexay 1929 iyo 1959, oo xaq u siinaya Masar 87% biyaha wabiga.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY