Itoobiya: Ayax Fara Badan Oo Ku Habsaday Degaamo Ka Tirsan Aw-Barre

0
1517

Aw-Barre (HP): Ayax aad u fara badan ayaa baabiiyay dhul beereed aad u balaadhan oo ku yaalla degaamadda hoos yimaadda degmadda Aw-Bare ee dawlad degaanka Soomaaliyadda Itoobiya.

Ayaxaasi oo ay saaka ku waabariisteen bulshadda degaanku ayaa si xun u baabiyay ama ucunay gebi ahaanba dalagyadii kala duwanaa ee ay tabcadeen beeralaydda degaankaasi, kuwaasoo u badan Hadhuudh iyo Qamadi.

Waxaanay wararku sheegayaan in dayuurado lagula dagaalamayo Ayaxaasi, kuwaasoo ay soo dirtay waaxda dawladda Itoobiya u qaabilsan la dagaalanka Ayaxa iyo cayayaanka.

Sida uu sheegay Cali C/raxmaan, oo ka mida waxgaradka tuuladda Jaare oo ka tirsan degmadda Aw-Barre,  “Ayax aad u tiro badan oo aanaan qiyaasi karin ayaa tacabkii ay dadku beerteen, saaka ku waabariistay.

Hadda wuxuu fadhiyaa dhul qiyaas ahaan ilaa 20 KM oo isku wareeg ah. diyaarad ayaa hadda buufinaysa Ayaxaasi oo imika u timid.

Dalagyadii la beertay wax uu ka tegay ma laha Ayaxaasi, tacabkii dalagyadda ay beerteen dadku, aad iyo aad buu u cunay, oo midh kamuu tegin. Dalagyadaasi waa Hadhuudhkii iyo Qamadigiiba”.

Waxa kaloo uu sheegay oday Cali, in dadka beeralayda ah ee uu dalagyadoodii ku habsaday Ayaxu ay u baahan yihiin in lala soo  gaadho gar-gaar, maadaama oo Ayaxu uu khasaare balaadhan u gaystay midhihii beeraha ee ay ku tiirsanaayeen.

“Waa in dadka loo soo gurmado, wax kaloo ay ku tiirsanaayeen ma jirin, dalaga beeraha ayay dadku ku tiirsanaayeen, xoolo ma laha. Had iyo jeerna beerahaas ayay fashaan,  beerihiina Ayaxii ayaa ka dhameeyay.

Sidaa darteed, waxay u baahan yihiin gurmad deg deg ah dadkaasi in lala soo gaadho, mucaawimo iyo raashinba”ayuu yidhi Cali C/raxmaan, oo maanta u waramay BBC.

Ayaxan maanta ku habsaday beeralayda degmadda Aw-barre, ayaa saddexdii bilood ee u danbeeyayba laga soo sheegayay inuu ku wareegayay gobolo ka tirsan dalka Itoobiya.

Waan markii labaad oo uu sanadkan soo maro degmadda Aw-Barre, hase yeeshee iyagoo ka war-qabin uu saaka ku waabariistay.

Oday Cali C/raxmaan, ayaa faahfaahin ka bixinaya meesha uu Ayaxaasi kaga yimid. Waxaanu yidhi,  “Waa markii labaad oo uu sanadkan Ayaxu soo maro degmadda Aw-Bare.

Markii hore toos ayuu noo dhaafay, laakiin hadda saaka ayuu nagu waabariistay. Qabalayga Jaare, Sabsha meesha la yidhaahdo iyo Ilaalo Dheere, aagaas oo dhanb wuu ku degay, dalagyadii la beerayna wuu ka tiray.

Maya. Kamaanaan war-qabin. Laakiin, degmadda Tuli Guuleed oo nagu xigta ayaa maalmahan lagu sheegayay. Balse meel uu nagaga yimid garan mayno, isagoo nagu waabariistay ayuun baan aragnay”.

Geesta kale oday Cali, ayaa ka warbixiyay goorta ay u qayshadeen diyaaradan buufinaysa Ayaxan oo uu sheegay in uu si daran u dhibaateeyay dalagyadii ay beerteen dadka degaanka Jaare iyo degaamadda ku hareeraysan.

“Waxaan u qayshanay, maamulka heer deegaan ayaanu la hadalnay, oo aanu warbixinta siinay, qaybta Ayaxa. Degmadda Aw-Barre-na waan u sheegnay. Sidaas ayay diyaaradu noogu timid. Laakiin, dhibaato aad u weyn baa meesha ka dhacday, oo Ayaxu gaystay”, ayuu yidhi Cali.

Dhinaca kale Ayaxan ayaa dhibaato weyn gaadhsiiyay beerihii degaankaa, iyadoo xataa haddiiba uu sidaas Ayaxani kaga tago beeralayda degaanka Aw-Barre, aanay kaba heli karin wax ay cunaan oo Sarac ah.

Dhibaatadda uu Ayaxaasi u gaystay awgeed, sida uu sheegayo oday Cali C/raxmaan, waxaanu yidhi  “Meel-meel moojee, wax laga soo kabsan karayaa ma jirto. Dadka aad buu dhibaato ugu gaystay Ayaxu beerahoodii”.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY