Iswaydaari Indhaha Farmaajow. W/Q: Maxamed Gacayte

0
1031
Maxamed Gacayte
Haday bishu hortaada timaado ma beenin kartid, kolkaa siday doonto haw dhigtee Somalia way ku qasban tahay inay bogaadiso kulanka Madaxda labada Dal ee Jamhuuriyada Somaliland iyo Ethiopia, kadib markii ay u cadaatay in Jam. Somaliland tahay qaran madaxbanaan oo jiritaankiisa la ixtiraamayo laguna soo dhoweeyay protocol ka ugu heer sareeyay ee laysku qaabilo. Waxaana cad in miisaanka uu kulankaasi mandaqada u leeyahay ay hayn kari waayeen oo intanbaa dirqi kaga soo baxday, guulbaan u arkaa. Waayo, Maamulka Farmaajo marnaba muu filayn Meeqaamka sare ee Ethiopia ku qaabishay waftigan Jamhuuriyada Somaliland ee uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Kolkaa isdaad raacin ma maqli jirtay taas lee waaye….!
Ninbaa laga hayay waa rafadkay rafanaysay, imika qoraalka nafla caaridka ee ay Somalia kasoo saartay kulanka Madaxweyne Muuse iyo Raysal Wasaare Dr. Abby, waa rafadkii u danbeeyay, waxaanay xejin kari waayeen miisaanka kulankani lahaa oo taaga waxay miciin bideen inay dacaayado raqiisa kadaba tuuraan si ay xaqiiqda dhabta uga jeediyaan indhaha shacabka Koonfurta ee masaakiinta ah ee darxumada iyo dagaaladu aafeeyeen.
Hadaba, inta ay qoraal daba keena oo ka xumaansho walaaladood halka ay gaadheen ah ku mashquulayso Xamar, wax foojignaan iyo fiirodheer kaaga baahnayd hantida aad masuulka uga tahay umada somaliyeed ee hadhcad lagaala wareegay oo badii, dhulkii iyo khayraadkii indhahaaga oo shan ah Kenya qaadatay oo halkii lagaa sugayay inaad mawqif adag ka istaagto aad qoraal tabcaana oo tawaawac iyo habrasho ah kaga falcelisay. Maahmaah soomaaliyeed ayaa tidhaa, Doqontu 12 indhood bay leedahay oo 11 ayay walaalkeed ku eegtaa midna cadawgeeda, kolkaa somalia waxaan leeyahay indhaha kala wareeji oo iswaydaari waxbaa kaa qaldane.
Takale, Liidasho ka wayni ma jirto markaad leedahay “Wadashaqeeya ayaa la yidhi” oo awal Somaliland iyo Somalia miyaanay wadashaqayn lahayn haday xag Amni iyo mid Ganacsi tahayba. Wadashaqaynta kale ee imika taagana waxa ugu horaysaa Wadahadaladii Somaliland iyo Somalia oo dib loo furo. Kolkaa jiritaanka qaranimada  Jamhuuriyada Somaliland waa Go,aan Shacbi mana ah mid mid ay wax yeelayso dacaayad iyo warar kuturi ku teen ah oo caruur ka cabsiis ah.
Shacabka Somaliland waxaan leeyahay u midooba cadawgiina oo jaanis ha siinina. Meeqaamka sare ee lagu qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi waynu aragnaa qiimaha iyo qaranimadeena halka uu taagan yahay ee garab istaaga, oo cadawga shaashaynaya ka difaaca Qaranka waynu wada leenahaye.
#JamhuuriyadaSomaliland.
#GoaanShacab
Wabilahi tawfiiq.
Qalinkii: Maxamed Gacayte 
Hargeysa/ Somaliland

LEAVE A REPLY