Isma Hurtooy Isu Hambee. (WQ:Cabdiraxmaan Cadami).

0
1335

Somaliland waxay dib mar kale u hantiday madax bannaanidii iyo xorriyaddii ay lumisay 1960, waxay se ugu kacday qiime aad u sareeya iyo nabarro saamayn ku yeelan doona noloshooda sanado badan, sidaas oo ay tahay Somaliland wali lagama hadhin.

Xukumadda Soomaaliya, Ururo iyo dawlado la xulufo ah dhammaantood waxay ku foogan yihiin sidii loo mijo xaabin lahaa JSL iyaga oo adeegsanaya xeelado iyo midabo badan.

Madaxda Soomaaliya halkii ay ku mashquuli lahaayeen dhismaha nidaam dawladeed oo shaqaynaya iyo sidii ay uga xoroobi lahaayeen ciidamada shisheeyaha ah ee dusha ka haysta wuxu wakhtigu kaga lumay la dagaallanka Somaliland, maalmahan waxay xoogga saareen kala qaybinta bulshada reer Somaliland waxay ku soo abaabuleen colaado la soo dhex mariyay Puntland waxay dhinac wadaan olole diblamaasiyadeed oo ka dhan ah danaha Somaliland iyo in laga faquuqo beesha caalamka laakiin, waa wax aan dhici Karin in Somaliland lagu muquuniyo midnimo iyo fikradda Soomaali weyn oo bari hore dhimatay oo ah riyo laga soo toosay dibna loo arki doonin.

Si kastaba ha ahaatee Somaliland oo boqolaal sanadood la soo dhisayay waxa lagu dumiyay maalmo yar gudahood si dib loogu dhisana waxay qaadan doonta wakhti aad u dheer iyo hawl adag oo u baahan in loo dhibar adaygo, sidaa daraadeed marba marka ka dambeeya waxa sii yaraanaya samirka, waxa hoos u dhaca ‘momentum-ka bulshadu wax ku wadday, waxa bata in hawsha la isku hiifo iyo in dhalliisha la isku riixriixo, canaanta xooggeeda waxa dusha loo saara hadba kuwa talada haya.

Runtii duruufaha dalka soo maray iyo kuwa haddaba jira qaarkood way ka awood badan yihiin dhammaantood xukumaddii dalka ka soo taliyay laakiin, shicibku wuxuu dareemaya in arrimaha qaarkood madaxdoodu hagratay oo wax badan oo la qaban karayay lahaa laga gaabiyay, sidaas awgeed bulshadu waxay u siman tahay wixii inaga baaqday ama dib u dhacay sababtoo ah dhammaanteen waxaynu wada saaran nahay dooni qudha. Saluugga iyo cabashada dadweynuhu ma aha wax la soo koobi karo hadddana dadka qaar kama rajo xuma mustaqbalka iyo in wax kastaba hagaagi doono barrito ka maalin, hase ahaatee waxa jira qaybo kale oo u nuglaaday ama xammili kari waayay dhibaatada nolosha ka haysata iyo markii ay hore u arki waayeen guulihii ay filayeen in si degdeg ah loo gaadhi doono oo ku xallila in ay sameeyaan dhibaato ka culus wixii ay ka cabanayeen, niyad xumida shicibka iyo in ay mustaqbalka ka werweraan waxa ku sii shida siyaasiyiin aan bislayn (immature or second class politicians) oo siyaasadda u yaqaana kala qaybinta bulshada.

Akhrista bal dhugo sheekadan oo dadka qaar ku dhacaan marka caqligu ka lumo: Xayn jiir ah(Tiro) ayaa waxay ku noolaayeen aqal, ninkii aqalka lahaa markii uu habeenkii ka seexan kari waayay sanqadhii ama u adkaysan waayay dhibaatooyinkiisii kale ayuu gurigii dab qabad siiyay si uu jiirka u laayo, dabcan jiirkii wuu dhintay laakiin, gurigii sidii uu u dhammaa wuu gubtay iyo waliba wixii hoos yaallay (We must not burn down the house to kill the rats). Sheekadu waxay inagu baraarujinaysa haddii aad neceb tahay ama aanad ku qanacsanayn hoggaaminta madaxweynaha marka talada haya mucaaradadaadu yaanay kula gaadhin heer dhaawici kara Qarannimada iyo dawladnimadii aad ku soo tacabtay ee aad naftaada iyo maalkagaba u soo hurtay. Dalkan waxa lagu xoreeyay wada jir, Qarankan waxa lagu yabyabay oo lagu dhisay wada jir, waxa lagu difaaci kara wada jir, xooggeenu waa midnimadeena sina uma kala maarantan sidaas daraadeed waa in laga ilaaliya tafaraaruqa iyo wax kasta oo wiiqi kara wada jirka umadda. Isma Hurtooy isu hambee.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here