Islamic Relief Oo 700 oo Qoysas Raashin U Qaybisay

0
1093

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Hay’adda Islamic Relief iyo xafiiska barakaceyaasha Somaliland ayaa  raashin caawimo ah gaadhsiiyay 700 oo qoysas barakaceyaal ah oo ku nool qaar ka mida xaafadaha magaaladda Hargaysa.

Raashinkaasi ayaa qoysaskaasi loo sii qaybin doonaa muddo saddex maalmood ah. kuwaasoo ah qoysas degan xaafadaha kala ah State House-ka ee magaaladda Hargaysa, Ayax foor, iyo kuwa ku nool Ayax sadex.

Masuul ka tirsan hay’adda Islaamic Relief, oo goobtii ay raashinka ku qaybinayeen ka hadlay ayaa sheegay in tiradda qoysaska ay raashinka u qaybiyeen ay tahay 795 qoys.

Waxaanu intaas raaciyay masuulka u hadlay Islaamic Relief in qoys kastaba la siiyay 7 nooc raashin ah. raashinkaas oo loogu tallo galay in qoysaskaasi ay isticmaalaan inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Raashinkan loo qaybiyay qoysaska danyarta ah ee ku nool saddex xaafadood oo ka mida  magaaladda Hargaysa, ayaa ka mida raashin ay sanad kastaba hay’ada Islaamic Relief u qaybiso qoysaska danyarta ah, wadankoo dhan.

Agaasimaha waaxda barakaceyaasha ee hay’adda qoxoontiga Somaliland ayaa hay’adda Islaamic Relief uga maha naqay kaalmadan raashinka ah ee ay soo gaadhsiisay qoysaska danyarta ah.

Geesta kale masuul u hadlay Islaamic Relief ayaa sheegay in raashinkan caawimadda ah ay ka qaybiyeen degaamo kala gedisan ee ku xeeran caasimadda Hargaysa, sida degmadda Salaxley, qoysas ay tiradoodu gaadhayso ilaa 400 oo qoys.

Waxa kaloo uu intaas raaciyay masuulka u hadlay Islaamic relief in caruurta derbi jiifka ah iyagna caawimo ay u qaybin doonaan maalmaha soo socda iyo dadka barakaceyaasha ah ee magaalooyinka kale ku nool.

Tiradda guud ee qoysaska ay u qorshaysan tahay in Islamic relief ay kaalmo raashin ah gaahsiiso bisha Ramadaan ayuu masuulkaasi ku sheegay in tahay 1945 qoys.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here