Isku-aadka Warreega 16-ka ee Ciyaaraha Qaramada ee Euro 2016-ka oo la Shaaciyay

0
1106

HargeisaPress — Isku-aadka warreega 16-ka ee Euro 2016-ka oo la shaaciyay ayay ciyaarta ugu adag dhex-mari doontaa Spain iyo Talyaaniga, halka Ingiriisku kala ciyaari doono dalka yar ee Iceland oo markii u horraysay tartanka ka qaybgalaya.

 

France waxay isku dhaceen Republic of Ireland, halka Switzerland foodda iska-dari doonaan Poland, isla markaana Croatia iyo Portugal iyana is waajihi doonaan, iyadoo Wales-na la ciyaari doonta Northern Ireland.

 

Hungary iyo Belgium, ayaa iyana wada ciyaari doona, iyadoo Jarmalka iyo Slovakia-na isku dhaceen, balse waxa nasiib-darro ku dhacday Turkey iyo Albania oo goolal tirsi darteed koobkan kaga hadhay.

 

 

Switzerland Vs Poland (June 25)

Wales Vs Northern Ireland (June 25)

Croatia Vs Portugal (25 June)

France Vs Ireland (26 June)

Germany Vs Slovakia (June 26)

Hungary Vs Belgium (26 June)

Italy Vs Spain (June 27)

England Vs Iceland (27 June)

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here